Daawo sawirada goobihii ay ciidamada gumeysiga ka baxeen saaka ee wadada 30ka (Masaajido, shirkado ganacsi iyo guryo burbur iyo bililiqo xoogan ay u geysteen).

jidka 30ka

Sawirada Daawo

 Halkaan ka akhri

Daawo sawirada goobihii ay ciidamada Itoobiyaanku ka baxeen saaka ee wadada Sodonka.
(Masaajido, shirkado ganacsi iyo guryo burbur iyo bililiqo xoogan ay u geysteen.
 

Ciidamadii gumeysiga Ethiopia deganaa wadada 30ka ayaa gabi ahaanba saakay isaga guuray waddadaasi, iyadoo islamarkii ay ka baxeen wadadaasi ay soo buux dhaafiyeen halkaasi boqolaal dadweyne Somali ah, kuwaas oo soo eeganayaya gurhayooda iyo goobahooda ganacsi, oo muddo ka badan bil ay tagi waayeen ka dib marki ay waddaasi soo dageen ciidamada Ethiopia.

Ciidamadan ayaa dib u gu laabtay xerooyinki ay ku lahaayeen Muqdisho sida Stadium Muqdisho, warshadii Baastada iyo meelo kale oo ka tirsan magaaada Muqdisho.

Lama oga sababta ku kaliftay in ay ciidamada gumeysiga Ethiopia halkaasi isaga baxaan, waxaana dadka ay ku farxeen waddadaasi oo dib u furantay, dhinaca kale waxey aad uga xumaadeen markii ay arkeen guryahoodi oo bililiqo xoogan loo geystay.


Masaajid ku yaala nawaaxiga Carwo Idko oo ay dhex degeen Askarta Itoobiyaanka

Mixraabkii Masaajidka oo ay hor tuban yihiin alaabo

Goobihii Tikidhada laga goyn jiray ee xafiisyadii Daallo Airlines

Boorsooyinkii Dadweynaha isku diyaarinayay inay dhoofaan oo dhex yaala iyagoo jeex jeexan gudaha xafiisyada Daallo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: