Ciidamo aad u hubeysan oo ka mid ah Maxkamadihii Islaamka oo qabsaday Degmada Buula Barde.

Ciidamada maxkamadaha

Maxkamadaha

 Halkaan ka akhri

War aan ka helnay degmada Buula Barde ee gobolka Hiiran ayaa sheegaya in magaaladaasi ay gacanta u gashay Ciidamo aad u hubeysan oo kasoo horjeeda dawladda KMG iyo maamulka Gobolka Hiraan, kuwaasoo lasheegay in ay yihiin Ciidamadii taabacsanaa Maxkamadihii Islaamka. 

Ciidamadan Hubeysan ee qabasaday degmada Buula Barde ayaa la sheegayaa in halkaasi iska horimaad  xoogan kadib ay gacanta u gashay Ciidamadii Maxkamadaha Islaamka Soomaaliya. 

Dadweyne aad u careysan ayaa ku xoomay saldhigga iyo xafiisyadii maamulka degmada waxaana la sheegay in halkaasi ay burburiyeen dadkii careeysnaa, sidaasi waxaa  soo sheegay Wakiilka SoamaliSwiss ee Gobolka Hiiraan. 

Ciidamadan Hubeysan ee la wareegay degmada Buula Barde ayaa meel fagaare ah kala hadlay dadka deegaankaasi markii dibad bax isugu soo baxeen, iyagoona u sheegay in ay usoo celin doonaan kala danbeyntii magaalada iyo nidaamkii ay sanad kahor heysteen Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan Gobolka Hiiraan. 

Dad ku dhawaaqayay ”Allaahu Akbar” ayaa la sheegay in ay ku sugnaayeen dibad baxa lagu soo dhaweeyay Ciidamadii la wareegay degmada Buula Barde iyadoona maamulkii degmadaasi ay u kala firxadeen meelaha keymaha ee degmada. 

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka hiiraan  Yuusuf Daba Geed ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo la wareegitaanka degmada Buula Burde waxaana uu sheegay in uusan diyaar u aheyn ka hadalka arrimahaasi.

Waxaana iska cad Yusuf daba geed in maalmihii lasoo dhaafay ay u goodiyeen ciidamada gumeysiga Ethiopia, isna af dhaafeen, maalmahanna khilaaf uu kala dhex taagnaa maamulka gobolka Hiiraan iyo Saraakiisha Ciidamada gumeysiga Ethiopia. 

SomaliSwiss Wakiilka Hiiraan

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: