Dowladda Mareykanka oo taageeradii kala noqotay Dowladda C/llaahi Yusuf iyo taageerayaashiisa Ethiopia, una wareejisay Soomaaliland.

Somalia, US, Somaliland

USA, Somalia, Somaliland

 Halkaan ka akhri

Dowladda Mareykanka oo taageeradii kala noqotay Dowladda C/llaahi Yusuf iyo taageerayaashiisa Ethiopia, una wareejinaya Soomaaliland.

Warar isasoo taraya ayaa sheegaya in Xukuumadda Mareykanku ay qorsheyneyso iney taageeradii kooxda mbagathi ay u heysey iska xoorayaan, kadib dhowr iyo toban bilood oo ay kooxda mbagathi hal taako hore u socon weydey, iyo iyadoo uu Mareykanku kala kulmay taageerada kooxdaan fadeexad iyo khasaare tacab.

Wararka sidaan ku heleyno waxaa socda wada hadallo taxadder ku belowday oo Saraakiil iyo siyaasiyiin ka tirsan Safaaradda Mareykanku ku leeyahay Magaalada Nairobi, iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka Soomaaliland.

Waxaana wararku tibaaxayaan in Mareykanku ay u soo bandhigeen Maamulka Soomaaliland barnaamij lagu taageerayo Maamulkaas, beddelkeedana ay Mareykanka gacan ku siiyeen sidii loo dejin lahaa Xaaladda kacsan oo ka aloosan koonforta Soomaaliya.

Dadka Siyaasadda Indha-indheeya ayaa isbeddelka cusub ku tilmaamay, mid meesha ka saaraya Xulafeysigii mareykanka iyo Puntland, oo Mareykanku xaqiiqsadeen in ragga horboodaya ee ka soo jeeda Gobollada Bari ee ay kamid yihiin Cabdulahi Yusuf iyo taageerayaashiisa aan laga jecleyn koonforta Soomaaliya, isla markaasna aysan lahayn awood ay wax ku muquuniyaan.

Indheer-garadka ayaa intaas ku daraya, in Saraakiisah Mareykanku ee ku Milan arrimaha Soomaaliya ay is tusaaleeyeen in dadka ku nool koonforta Soomaaliya aaney wax colaad ah ama naceyb ah uusan kala dhexayn Soomaaliland, sidaas daraadeed ay suurto-gal tahay in xal la gaadho haddii Soomaaliland loo soo maro xaaladda cakiran ee ka taagan koonfurta Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa dad badan isweydiinayaan qaabka uu maamulka Soomaaliland ugu taageeri karo, mushkiladaha inta badan caalamku gacanta ka taagey ee ka aloosan koonfurta Soomaaliya.

Iyadoo warar kalena ay sheegayaan in Dawladda Mareykanku ay haatanba wadaan qorshayaaal kale oo barbar socda kuwa uu soomaaliland u bandhigay, qorshayaashaas oo ah, Mareykanka koonforta ka diyaarinaya Ururro dhowr ah oo qaab isbaheysi ku dhisan oo la wareega gacan-ku-heynta koonfurta, marka kooxda mbagathi meesha ka baxdo.

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: