C/llaahi Xassan Ganey Firimbi oo maanta ku geeriyooday Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, kadib markii uu maalmo jiifay Ispitalka.

C/llaahi Firimbi

 Halkaan ka akhri

Cabdullaahi Xassan Ganey Firimbi oo maanta ku geeriyooday Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, kadib markii uu maalmo jiifay Ispitalka.

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday Cabdullaahi Xassan Ganey Firimbi, oo ahaa gudoomiye ku xigeenkii maamulka gobolka Banaadir, ee dhinaca Siyaasadda iyo dib u heshiisiinta.

Marxuum Cabdullaahi Xasan Geney Firimbi, oo ahaa ku xigeenkii duqa magaalada Muqdisho ee dhanka Siyaasadda iyo arrimaha dib u heshiisiinta ayaa maanta 11:00-AM ku geeriyooday Isbitaalka weyn Madiina ee magaalada Muqdisho, ka dib mudo seddex maal mood ah oo uu xanuun lajiifay.

Geerida Marxuumka ayaa la sheegay in maalmahamba uu jiifay Ispitalka Madiina kadib marii xanuunya kala duwan ay lasoo gudboonaadeen marxuumka sidaasna uu u geeriyooday.

Sida ay ku warameen ehellada Marxuumka waxaa uu Meydkiisa illaa imminka yaalaa Cisbitaalka Madiina, halkaasoo la filayo in saacadaha soo coda laga qaado lana aaso, iyagoo intaa ku daray in ay qaban qaabadii duugta in ay ku jiraan.

SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: