Ciidamada gumeysiga Ethiopia oo duhur-nimadii maanta dad aad u fara badan oo rayid ah ka qafaashay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Suuqa Bakaaraha

 Halkaan ka akhri

Ciidamada gumeysiga Ethiopia oo duhurnimadii maanta dad aad u fara badan oo rayid ah ka qafaashay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. 

Ciidamo aad u fara badan oo Ethiopian ah ayaa duhurnimadii maanta waxa ay galeen Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi ay ka qab qabteen dadweyne aad u fara badan oo qaarkood ay ahaayeen Ganacsatadii Koobneyd ee saakay suuqa ganacsi ahaan u timid iyo sidoo kale kuwa adeeg u yimid.

Dadka ayaa waxaa laga qabanayay Isgoyska Hawl-wadaag ee Suuqa Bakaaraha iyo waddooyinka Suuqa laga galo, waxaana suuqaasi dadkii laga qabtay lagu guray baabuur aad u waaweyn oo ay wateen Ciidamada gumeysiga Ethiopian-ka.

Lama garanayo Tirada dhabta ah ee Shacabkii maanta ay ka wateen Suuqa Bakaaraha Ciidamada gumeysiga Ethiopian-ka, waxaana dhacda inta badan dadka ay gacanta ku dhigaan Ciidamada gumeysiga Ethiopian-ka inta badan in aanan dib dambe loo arakin, oo mararka qaar xitaa ay dhacdo in meydad laga helo maalmo kadib agagaarka xeryaha ay degan yihiin ciidamada cadowga Ethiopia.

Majirto cid ka hadashay arrintan oo aan aheyn markii ugu horeysay ee ay ciidamada gumeysiga qafaashaan dad rayid ah oo aan waxba galabsan, waxaana inta badan Ciidamada gumeysiga Ethiopia goobaha ay qaraxyada ka dhacaan iyo goobaha ay soo galaan intaba ka kaxeystaan Dad fara badan oo rayid ah kuwaasi oo aanan la ogeyn halka lageeyo iyo waxa ay ku dambeeyaan.

Kumanaan Qof oo Soomaali ah ayaa iminka ku maqan gacanta Ciidamada gumeysiga Ethiopia, kuwaasi oo aanan lagu heynin Geeri iyo Nolol intaba, waxaana marnaba aanan ka hadlin arrimahani mas’uuliyiinta isku sheegta dowladda KMG ah maadaama ay sheegtaan in ay wakiil ka yihiin Shacabka Soomaaliyeed.

SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com 

%d bloggers like this: