Qarax aad u xoogan oo lala beegsaday Ciidanka gumeysiga Ethiopia ee ku sugan Magaalada Baydhabo.

Ethiopian troops

Qarax Baydhabo

 Halkaan ka akhri

Qarax miinada gacanta laga hago ah ayaa saakay waxaa lala beegsaday kolanyo ay la socdeen Ciidamada gumeysiga Ethiopia ee ku sugan Magaalada Baydhabo, iyadoon ilaa iyo hadda aan la ogeyn khasaaraha ka soo gaaray qaraxaasi miinada ah oo loo dhigay wadada dhinaceeda.

Waxaa ay qireen dadka deegaanka in 6 askari oo gumeysiga Ethiopia halkaasi ay ku dhinteen waa sida ay sheegeen, laakin waxaa lagu waramayaa in dhibaata xoogan halkaasi ay kaso gaartay ciidamada gumeysiga Ethiopia.

Goob joogayaal ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa xaqiijiyey in qarxaas uu khasaara xoogan u geystay gaari Ural ah oo ay wateen Ciidamada gumeysiga Ethiopia, kaasoo gabi ahaantiisaba burburay.

Markii uu qaraxa dhacay kadib ayaa Ciidamada gumeysiga Ethiopia sidii caadada u aheydba waxey qabqabasho kula dhaqaaqeen dadkii rayidka ahaa ee meelahaasi ka ag dhowaa, waxaana la xaqiijiyay in ay dad badan oo rayid ah qafaasheen, iyadoo aan la ogeyn dadkaasi in ay nabad kusoo deyn doonaan iyo in kale Ciidamada gumeysiga Ethiopia.

SomaliSwiss Xafiiska Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: