Lix kamid ah Ciidamada dawladda oo ku dhaawacmay bam gacmeedyo lagu weeraray xarun ay ku shirsanaayeen ee magaalada Baydhabo

Baydhabo

Qaraxii 2aad Baydhabo

 Halkaan ka akhri

Lix kamid ah Ciidamada dawladda ayaa maanta ku dhaawacmay markii qarax bam lagula beegsaday Xafiis ay ku shirsanaayeen oo ku yaalla magaalada Baydhabo.

Sida ay sheegeen Saraakisha Ciidamada Amaanka ee magaalada Baydhabo, qaraxaasi oo ahaa mid ka dhashay bam gacmeed ayaa lala beegsaday Xafiis dawladda Hoose ay ku leeyihiin xaafadda Isha ee magaalada Baydhabo, halkaasi oo ay ku sugnaayeen Saraakiisha Minishiibiyada.

Waxaa ay qireen Masuuliyinta Amaanka in 6 askari halkaasi ay ku dhaawacmeen dhaawacooduna uu yahay mid iska fudud, laakin waxaa lagu waramayaa in waxyeelo xoogan halkaasi ay kaso gaartay Kooxihii halkaasi ku shirsanaa.

Qaraxasi Bam ayaa kusoo aadaya xilli saaka qarax aad u xoogan uu ka dhacay isla magaalada Baydhabo kaasoo lala beegsaday baabuur ay lahaayeen Ciidamada gumeysiga Ethiopia.

Amaanka magaalada Baydhabo oo ay xarun u tahay Madaxda ugu sareysa dawladda ayaa aad u liita maalmahan, xili magaalada bandow habeenkii ah saaran yahay, isla markaana uusan jirin wax maamul ah oo ka shaqeeya gobolka, maadaama uu khilaaf jiro.

SomaliSwiss Xafiiska Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: