Golaha Midnimada iyo Dhaqanka Hawiye oo ku baaqay Guddi Caalami ah in Somaliya la keeno si ay ubaaraan tacadiyadii ka dhacay.

Hawiye

Beelaha Hawiye

 Halkaan ka akhri

Golaha Midnimada iyo dhaqanka Beelaha Hawiye ayaa warsaxaafadeed maanta ay kaso saareen xafiiskooda magaalada Muqdisho waxaa ay ugu baaqeen Beesha Caalamka in si deg deg ah Guddi Caalami ah ay ugu soo dirto Somaliya kaasi oo baara tacadiyadii aadane ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Odayaasha ayaa waxaa ay sheegeen in magaalada Muqdisho gumaad ba’an ay ka geysteen Ciidamada iskaashanaya ee Itoobiya iyo kuwa dawladda Federaalka,iyadoona ay sheegeen in loo baahan yahay dadkii falalkaasi geystay in Maxkamad lasoo hortaago.

Nabadoon C/Razaaq Sheekh Max’ed oo warsaxaafadeedka odayaasha saxaafadda u aqriyay ayaa cadeeyay in caalamka hadii uu ka aamuso waxa ka soconaya magaalada Muqdisho ay noqon doonto mid Taariikhda gasha isagoona ku qadaray dadkii lagu barakiciyay Muqdisho ku dhawaad 1 Milyan iyo 700 oo qof.

Waxaa sidoo kale uu baaq ugu jeediyay hey’adaha samafalka in ay gargaar deg deg ah lasoo gaaraan shacabka Somaliyeed ee ku bakaracay xasaradaha ka taagan Muqdisho kuwaasi oo ku waxyeeleysan daafaha magaalada Muqdisho.

Odayaashu waxaa sidoo kale ay ka hadleen Cusbitaalo,Iksuulo iyo goobo ganacsi oo ku xiran Howlaha ay Muqdisho ka wadaan Ciidamada Itoobiyaanka kuwaasi oo ay ku tilmaameen gumaad qaawan oo ka dhan ah Banii’aadminimada.

SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: