Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo gaashaanka ku dhuftay baaq ka soo yeeray Ra’iisal-wasaaraha Cusub ee Dowladda KMG Nuur Cadde.

Sheekh Shariif

Sheikh Shariif

 Halkaan ka akhri

Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo gaashaanka ku dhuftay baaq ka soo yeeray Ra’iisal-wasaaraha Cusub ee Dowladda KMG Nuur Cadde.

Gudoomiyaha Golaha Gulinta Ururka Isbahaysiga Dib-U-Xoreynta Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed, ayaa gaashaanka ku dhuftay Baaqii uu Ra’isul-wasaaraha cusub Nuur Xasan Xuseen “Nuur Cadde” ku sheegay inuu diyaar u yahay inuu Wada-xaajood la galo Ururka Isbahaysiga Dib-U-Xoreynta Soomaaliya ee Xaruntiisu tahay Magaalada Asmara dalka Eritrea.

Guddoomiyaha Golaha Fulinta ee Isbahaysiga Dib-u-xorreynta dalka Somalia, Mudane Sheikh Shariif Sheikh Axmed, oo haatan ku sugan Caasimadda dalka Eritrea ee Asmara, ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu maanta siiyey Wakaalladda Wararka ee Reuters.

“Mashaakilka taagan maaha mid ka yimid Ra’isal-wasaarihii hore, ama Ra’isal-wasaaraha cusub, balse dhibaatadda dhabta ah waa Qabsashadda gumeysiga Ethiopia ee dhulka Soomaaliya, ayuu yiri Sheikh Shariif, oo intaasi ku daray “Haddii Qabsashadda gumeysiga Ethiopian-ka meesha laga saaro, wax kasta waa suurtogal”.

Sheikh Shariif Sheikh Axmed, wuxuu sheegay Ciiddamadda gumeysiga Ethiopian-ka ah ee ku soo duullay dalka Soomaaliya, inta ay joogaan inaysan suurta gal ahayn in wax miro-dhal ah laga keeno, xatta haddii ay Ra`isal-wasaaraha iyo Isbahaysigeena ay yeeshaan wada-xaajood .

Hadalka Hoggaamiyaha xaq u dirirka ah ee Sheikh Shariif, ayaa waxa uu kusoo beegmayaa labo maalin kadib, markii uu Ra’isal-wasaaraha cusub Nuur Cadde shaaciyey inuu diyaar u yahay inuu Kulan la yeesho Xogaamiyeyaasha Isbahaysiga dib-U-Xoreynta dalka Soomaaliya, si wax looga qabto xiisadaha amni-darro ee ka jira dalka Soomaaliya.

Ra’isal-wasaare Nuur Cadde ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu maalintii Axadda ee la soo dhaafay siiyey Telefishinka NTV ee laga leeyahay dalka Kenya, wuxuuna carrabka ku dhuftay inuu diyaar u yahay inuu Wada-xaajood la galo Kooxaha Mucaaradka, si loo soo geba gebeeyo colaadaha weli ka socda dalka Soomaaliya.

“Waxaan diyaar u ahay inaan la hadlo Ururka Isbahaysiga, hadba sida ay iyagu diyaar u yihiin inay noola xaajoodaan” ayuu yiri Nuur Cadde, wuxuuna intaasi ku daray in Dowladda KMG ah ay diyaar u tahay inay qaadato Talooyin kasta oo Wanaagsan iyo in la mucaarado, ayuu yiri Ra’isul-wasaare Nuur Cade.

Si kastaba ha ahaatee hadalada kasoo baxaya RW cusub iyo Gudoomiyaha Ururka Dib-U-Xoreynta ayaa ah mar walba kuwa aan is keeneeyn oo kala mowqif ah, hadana ay kudher jiraan quwada shisheeye ee Soomaalida u hordeedaya burbur iyo xasuuqa Shacabka Miskiinka ah.

SomaliSwiss Wakiilka Asmara

somaliswiss@hotmail.com  

%d bloggers like this: