Maxamed Dheere:- Mudulood Muqaawamey naqdeen, Mihii Muqaawamada la marsiiyey aana la marsii doonaa, hadii ay ka waantoobi waayaan wexey wadaan.

Darwiish & Maxamed dheere

Maxamed Dheere

 Halkaan ka akhri

Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Maxamed Cumar Xabeeb (Max. Dheere) ayaa mar qura ku soo baraarugey kooxaha kasoo horjeeda ee u dhashay Mudulood ee ka dagaalama Xaafadaha Shibis, Yaaqshiid, Cabdicasiis, iyo kaaraan, wuxuuna markii ugu horeysey la qeyliyey in beelaha Mudulood ay ka soo horjeedaan Maamulkiisa Gobolka, iyo maamulka Cabdulahi Yusuf iyo gumeysiga Ethiopia.

Maxamed Dheere ayaa hadal aflagaado ah u jeediyey beelaha Mudulood, isagoo sheegay iney ka soo horjeesteen joogitaanka Ciidamada gumeysiga Ethiopia, waxaana dani ugu jirtaa Beesha Mudulood ayuu yiri Max. Dheere, wuxuuna intaasi ku daray waa in Mudulood ay taageeraan Ciidamada gumeysiga Ethiopia si ay usii joogaan Soomaaliya.

Maxamed dheere ayaa intaas ku daray in wax-garadka, ganacsatada, iyo dhalinyarada Beesha Mudulood ay isku bedeleen Muqaawamo, waxayna falal dilal ah ka fuliyaan ayuu yiri deegaannada Beelaha Mudulood oo la rabey iney nabad ahaadan, waxaana falalkaasi wax u dhimayaan buu yiri Maxamed dheere, xiriirka wanaagsan ee aan la leenahay walaaleheen Ethiopian-ka.

Adeegahaan shisheeye kal-kaalka ah oo hore u soo cunay waayeelkii iyo wax-garadkii Mudulood, dhibaatada uu Beelaha Mudulood u geystayna eysan jirin shaqsi u geystay, ayaa wuxuu haatan ku cabanayaa in Beelaha Mudulood ay ka kala tageen oo ay cidleeyeen.

Wuxuu ku eedeeyey oo kale in Baasha Mudulood ka soo horjeedo Dowladda KMG ah, wuxuuna ku tilmaamay iney Beelaha Mudulood yihiin muqaawamo, oo isaga la ah wax aad u xun, sida ay dhegta ugu sheegeen saraakiisha gumeysiga Ethiopian-ka ee uu aaminsan yahay Max. dheere.”

Hadalka Maxamed Dheere ayaa kusoo beegmaya xilli ay maalmahan kasocdaan xaafadaha Shibis, Yaaqshiid, C/Casiis, Kaaraan, ugaarsiga ciidamada Dowladda iyo kuwa gumeysiga Ethiopia oo waayadan dabme aad loogu waxyeeleeyay.

SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: