Kulan dhex maray Madaxweynaha Finland Marwo Tarja Kaarina Halonen iyo Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Wadanka Finland.

Jaaliyadda Finland

Daawo Sawirada

 Halkaan ka akhri

Kulan dhex maray Madaxweynaha Finland Marwo Tarja Kaarina Halonen iyo Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Wadanka Finland.

Gudiga Fulinta ee Golaha midnimada Soomaaliyeed ee Finland waxa uu maanta kulan kula yeeshay hoyga madaxweynaha wadankan Finland Marwo Tarja Kaarina Halonen.

Kulankan oo looga wada hadlayey xaalada wadanka Soomaaliya iyo qaabka ay dawlada Finland uga qeyb qaadan karto nabadeynta shacabka Soomaaliyeed. waxa uu gudigu uga warbixiyey madaxweynaha marxalada uu wadanku marayo iyagoo jaaliyadu codsatey in dawlada Finland ay u fidiso shacabka Soomaaliyeed kaalmo bini’aadanimo ee loogu gargaarayo shacabka Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaana kuwa ka barakacay deegaanadoodii ee gumeystaha xabashidu uu ku hayo xasuuq aan kala go’ lahayn.

Sidoo kale, ayaa goluhu codseday in dawlada Finland in ay fidiso taageero Siyaasadeed oo ku salaysan dib u heshiisiinta dhamaan kooxaha isku haya hogaanka wadanka Soomaaliya.

Jaaliyadda Finland

Ugu dambayntii ayaa gudigu waxa uu muujiyey sida joogitaanka ciidamada gumeysiga Ethiopia ee Soomaaliya aysan sidii la filayey usoo kordhin wax horumar xaga nabadaynta shacabka ka soo daalay colaada iyo mid dib u heshiisiin dhexdooda ah toona, balse bedelkeedii uu noqdey barakicin aan weli horey loo arag, xasuuq cadowtinimo iyo burburinta wixii yaraa ee ay gacmahooda ku sameysteen sida ilihii dhaqaalaha, goobihii waxbarashada, isbitaaladii iyo adeegyadii bulshada ee awalba aadka u liitey.

Madaxweynaha ayaa balan qaadey in dhamaan codsiyadaasi oo dhan ay yihiin kuwo ay si gaar ah u tixgelinayo oo ay dawladeeduna ka shaqaynayso sidii xal waara loogu heli lahaa arinka aadka u murugsan ee soomaaliya.

Golaha Midnimada Soomaaliyeed ee Finland, Helsinki

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: