Condoleezza Rice:- “Ciidan Nabad Ilaalin oo Bedela kuwa Ethiopia iyo dib u Heshisiin loo dhanyahay ayaa xal u ah Dalka Soomaaliya”.

Condoleeza Rice

Condoleeza Rice

 Halkaan ka akhri

Condoleezza Rice:- “Ciidan Nabad Ilaalin oo Bedela kuwa Ethiopia iyo dib u Heshisiin loo dhanyahay ayaa xal u ah Dalka Soomaaliya”.

Xogahaya Arrimaha Debeda ee Maraykanka Condoleezza Rice ayaa sheegtay in dawladeeda ay rumaysan tahay in wadanka Soomaaliya looga baahan yahay ciidan nabad ilaalin ee bedela kuwa gumeysiga Ethiopia iyo in la helo dib u heshiisiin buuxda oo ay ka qayb galaan dhamaa dhinacyadda Siyaasadda dalka Soomaaliya, marka laga reebo kooxaha argagixisada lagu tuhunsan yahay,ayeey tiri Condoleezza Rice waa sida ay hadalka u dhigtaye.

Condoleezza Rice waxay sheegtay in sababaha ay Addis Abeba u timid ay ka mid tahay sidii loo heli lahaa ciidan xoogan oo bedela kuwa gumeysiga Ethiopia.

Condoleezza Rice waxay kaloo sheegtay in ay gargaar bani’aadanimo oo deg deg ah u dalbeyso Shacabka badan ee bara kacay kuwaasoo kujira ayeey tiri xeryo lagu quudiyo.

Hadalka kasoo yeeray Condoleezza Rice ayaan la ogayn sida uu ku hirgelayo maadaama ciidanka gumeysiga Ethiopia ay xasuuq iyo barakicin ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya, iyaduna aysan soo hadal qaadin dhibaatadii ay geysteen iyo midka ay hada geysanayaan ciidanka gumeysiga Ethiopia, balse ay Xoogagga wax iska caabinta dusha kaga tuurtay dadkii la laayey in ay iyagu ka danbeeyeen.

SomaliSwiss Addis Abeba

somaliswiss@hotmail.com 

%d bloggers like this: