C/llaahi Yusuf:- Xaaladeyda Caafimaad aad bey u fiican tahay, waxa aduunka laga sheegayana waa maqlayaa, waa markii sadexaadoo aan dhageysto inaan dhintay anigoo nool.

Cabdullaahi Yusuf

Dhageyso Wareysiga

 Halkaan ka akhri

   Dhegayso Waraysiga C/llaahi Yusuf

 Dhegayso Waraysiga C/llaahi Yusuf 

Madaxweyne C/llahi Yusuf, ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyey VOA ku sheegay in xaaladdiisa caafimaad eeysan aheyn sida loo buunbuuninayo.

Hadalkaas ayaa madaxweynaha ka soo yeeray maalin kadib markii loola cararay Isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.

Madaxweyne C/llaahi Yusuf ayaa sheegay inuu Isbitaalka u tagay inuu isa soo baaro, isla markaana uu u gudbi doono magaalada London ee dalka Ingiriiska, halkaas oo uu joogo dhakhtarkii beerka ka beddelay 10 sano kahor.

C/llaahi Yusuf ayaa sheegay in dowladdiisu eeysan la hadleyn kooxaha mucaaradka ah, “jeer eey hubka dhigaan oo ay Shacabka kamid noqdaan,” waa sida uu hadalka u dhigay C/llaahi Yusuf.

C/llaahi Yusuf hadalkiisa ayaa ku soo beegmaya iyadoo uu ra’iisal wasaare Nuur Cadde isna VOA u sheegay inuu muhimmada koobaad siinayo inuu la hadlo mucaaradka kasoo horjeeda dowladda KMG ah.

 Sourse VOA

SomaliSwiss@hotmail.com

 Cartoonka Maanta

amin156

%d bloggers like this: