Xaaladda Caafimaad ee Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo si aad ah looga deyrinayo, lana filaya in si deg deg ah loogu qaado Caawa Magaalada London.

Cabdullaahi Yusuf

C/llaahu Yusuf

 Halkaan ka akhri

 Halkaan ka dhageyso wareysiga Nuur Cade ee BBCda

Warbaahinta BBC-da iyo wakaalada wararka ee AFP ayaa ka waramaya in xaaladda Caafimaad ee Madaxweyne C/llaahi Yuusuf a aad u xun tahay, balse waxaa dad badan la yaaban yihiin in Wakaaladda Wararka ee AFP ay ka hadleyso taariikh nololeedka C/llaahi Yuusuf iyo qofka sharci ahaan uu dastuurka u oggol yahay inuu beddelo uu yahay Guddoomiyaha Golaha Barlamaanka KMG ah Aadan Madoobe, Sidaas waxaa laga wareystay Ra’isal-wasaaraha Xukuumada cusub Nuur Xassan Xuseen (Nuur Cade).

Nuur Cadde ayaa sheegay in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu shir u tagayo magaaladda London, balse idaacadda BBCda ayaa sheegtay in Maxweyne C/llaahi Yuusuf uu ka baaqanayo shirka halka maalin ah oo beri madaxda gobolka iyo xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka Condoleezza Rice uga furmaya magaalada Addis Abeba, hase ahaatee uu ka qayb galayo Ra’isal-wasaare Nuur Xassan iyo Wafdi uu hoggminayo.

Sidoo kale Mudane Nuur Xassan wuxuu ka qayb galayaa shirka ay isugu imaanayaan Madaxda Reer Yurub iyo kuwo Afrikaanka ah oo la filayo in Jimcaha uga furmaya Magaala Madaxda dalka Portugal ee Lisbo, iyadoo la sheegay in shirarkaasi uu yahay mid muhim ah.

Dhinaca kale Wararka wakaaladaha Faransiiska (AFP) ayaa bilaabay inay ka hadasho Taariikh nololeedkii C/llaahi Yuusuf iyo cida ay tahay dastuur ahaan in ay bedesho iyo Taariikhdii dheereyd ee C/llaahi Yuusuf uu soo maray iyo ilaa iyo haatan lama kala oga in qoraalka AFP ee u muuqda mid ka hadlaya in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu yahay nin dhintey ama KOOMO ku jira, hase yeeshee wararka ka imaanaya Nairobi waxay sheegayaan in xaalka C/llaahi Yuusuf uu aad u daran yahay aanan xitaa diyaarad lagu qaadi karin.

Wakaaladda Wararka ee AFP ayaa ku tilmaamtay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf in uu yahay qofkii ugu cimri dheeraa ee lagu talaalo beer uusan lahayn.

Halkaan ka akhri Journalada Swiss-ka dhinaca France sida ay uga faaloodeen

Halkaan ka akhri isagoo English ah

SomaliSwiss Wakiilka Nayrobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: