Shaati Guduud: – ”Wasiirka amniga Qaranka ayay ii dhiibeen xageen amaanka ka sugaa Cirka Diyuuradaha marayaan maan amaanka ka sugaa?”.

Shaati Guduud iyo Xuseen Caydiid

Xil. Shaati Guduud

 Halkaan ka akhri

Wasiirka amniga Qaranka ayay ii dhiibeen xageen amaanka ka sugaa Cirka Diyuuradaha marayaan maan amaanka ka sugaa?”.

Xildhibaan Max’ed Nuur Shaati Guduud oo maalin kahor loo magacaabay wasiirka amniga qaranka ee dawladda KMG ayaa ku dhawaaqay in uu xilkaasi iska casilay isagoona taasi sabab kaga dhigay arrimo gaf ah oo laga galay beesha uu ka dhashay ee Digil & Mirifle.

Shaati Guduud iyo 3 wsaiiro kale oo uu kamid yahay Wasiiru dawlaha Dib u Heshiisiinta Sheekh Aadan Madeer ayaa xalay si rasmi ah waxaa ay magaalada Baydhabo kaga dhawaaqeen in ay xilalkoodii iska Casileen.

Wasiirka Amniga Qaranka ee is casilay ayaa sheegay in beesha Digil & Mirifle lagu tuntay Xuquuqdeeda isla markaana aysan u qalmin jagooyinka Xukuumadda Cusub looga dhiibay.

”Amniga Qaranka halkeen ka sugaa, waxaaba jirta Wasaaradda Gaashaan dhigga, Ma Cirka ayaan amaankiisa sugaa, waxaasi maahan shaqo iyo wax beel lagu qanciyo isla markaana kursigoodii lagu fariisiyo dad kale”ayuu yiri Shaati Guduud.

Waxaa ay si wada jir ah u sheegeen masuuliyiintaasi in aysan marnaba ogolaan doonin xilal ay ka qabtaan Xukuumadda Nuur Cadde hadii aysan u hogaansamin Sharciyada dawladda marki hore soo degsatay iyo qaabka awood qeybsiga beelaha Somaliyeed.

SomaliSwiss Xafiiska Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com  

%d bloggers like this: