Faallo:- “Xukuumadda Cusub ee Nuur Cadde oo ku socoto wadadii fashilaadda, Mucaarada xooganna kaga yimid Xildhibaanada Baarlamanka iyo rajadii dadweynaha oo hoos u dhacayso.

Nur X. Xus. Nur Cade

Faallo Dowladda Cusub

 Halkaan ka akhri

Xukuumadda Cusub ee Nuur Cadde oo ku socoto wadadii fashilaadda, Mucaarada xooganna kaga yimid Xildhibaanada Baarlamanka iyo rajadii dadweynaha oo hoos u dhacayso.

Warar aan fiicneyn oo isa soo taraya ayaa ka soo baxaya, magacaabidda Xukuumadda Cusub ee R/ Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), balse dad badan oo isugu jira Siyaasiyiin iyo kuwa caadiba leh ayaa si aad ah uga hadlay, halka ay madaxa ay la geli doonta Xukuumada cusub ee Nuur Cade.

Hase ahaatee dadka ayaa waxay is weydiinayaan yaa soo dhisay Xukuumaddan? Qaar ka mid ah dadka u dhuundaloola Siyaasadda ayaa waxay leeyihiin waxaa xukuumadan soo xulay oo soo magacaabay Rag ka tirsan Xafiiska Madaxtooyada ee Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, kuwa kalena waxay leeyihiin oo ay qabaan inuu soo dhisay Ra’iisul-wasaaraha Ethiopia Meles Zanaawi.

Balse waxaan meesha ka marneyn oo si aad ah loogu hadlay in Ra’iisul-wasaare Nuur Xassan Xuseen uu ahaa qof nadiif ah, balse hadda faraha la galay dhiiqo aad u xun oo uusan markale kabixi karin, dambiyana usoo jiidi doona.

Ifafaalaha soo baxaya ayaa laga dheehan karaa mucaaradyada xoogan ee hadda ka soo baxaya gudaha, Xukuumadda Cusub iyo Xubnaha Golaha Baarlamanka badankooda waxaana laga yaabaa in ay u diidaan codka kalsoonida marka la horkeeno baarlamaanka.

Warar laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya ay saluugsan yahiin qaabkii loo kala magacaabay xilalka Wasiirada Cusub ee Xukuumadda cusub ee Nuur Cadde.

Waxaa taasi sii dheer gadood ay sameynayaan beelaha Soomaaliyeed qaarkood oo sheegaya in la duudsiiyay kuraastii ay ku lahaayeen Golaha Wasiirada isla markaana sad bursi lagu sameeyay.

Xukuumadda Nuur Cadde ayaa lagu waday in shalay la horkeeno Golaha Baarlamanka Soomaaliya iyadoona taasi ay socon weysay kadib markii R/ Wasaare Nuur Cadde uu sheegay in wali ay socdaan la tashigiisa Baarlamanka in ay dhiman tahay.

Xalay ayaa 4 mudane oo katirsanaa Golaha Wasiirada Cusub waxaa ay iska casileen xilalkooda iyagoona ka cabanayay sad bursi iyo gef lagu sameeyay Xuquuqda Beesha ay kasoo jeedaan.

Xubnaha iska casilay xilalkooda ee afarta ah waxaa kamid ah.

1- Xasan Maxamed Nuur (Shaati Guduud) oo loo magacaabay Wasiirka Amniga Qaranka

2- Sheikh Aadan Sh. Madeer, oo loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Dib U Heshiisiinta

3- Ibraahin Maxamed Isaaq (Ibroow) oo loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Qorsheynta

4- Cabdi Kaafi Maxamed Xasan oo loo magacaabay Wasiir ku xigeenka ganacsiga

Afartaas xubnood ayaa sheegay sababta ay isku casileen ay tahay tixgelin la´aan iyo in ladoonayo un in lagu adeegto oo magac ahaan ay meesha ku joogaan, balse ay yiraahdeen awood qeybsigii lagu soo dhisay Xukuumadda waa la agmaray, mana qaadaneyso in la agmaro ama lagu tunto magacooda.

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: