Xoogagga Muqaawamada Soomaaliya oo Maanta dagaal ku qabsaday warshada Xayla Bariise iyo Duqayn culus oo ay Ciidamada gumeysiga Ethiopia ku hayaan degmooyinka Huruwaay iyo Yaaqshiid.

dagaalka muqdisho

Dagaal Xamar

 Halkaan ka akhri

Xoogagga Muqaawamada Soomaaliya oo Maanta dagaal ku qabsaday warshada Xayla Bariise iyo Duqayn culus oo ay Ciidamada gumeysiga Ethiopia ku hayaan degmooyinka Huruwaay iyo Yaaqshiid. 

Dagaal culus oo lay isku dhaafsaday hubka waawayn ayaa goor dhaw ka bilowday xaafadaha ku teedsan degmooyinka Yaaqshiid iyio huruwaay ee magaalada Muqdisho.

saacadda markii ay ahayd 11:00-daqiiqo ayay xoogag wax iskacaabinta Soomaaliya waxay Weeraro culus ku qaadeen fadhiismada ciidamada gumeysiga Ethiopia ay ka fadhiyaan deegaanada wasdhada Baasatada garoonka kubada cagta (Stadio Muqdisho) iyo Ex. Kuliyadii hore ee jaala siyaad, Xerada Maslax iyo gooba kale. 

Dadka deegaanka oo aanu khadka taleefanka kula xirirnay ayaa noo xaqiijiyay in dagalada Maanta uu ahaa mid qorsheysan oo dhinacaya badan laga soo Weeraray Ciidamada gumeysiga Ethiopia.

Isla qofkaasi aanu qadka taleefanka kula hadleynay ayaa noo xaqiijiyay in xoogaga gumeysi diidka ah ay la wareegeen warshadii hore ee xayla bariise kadib markii ay dagaal qaraar la galeen Ciidamada gumeysiga Ethiopia oo dib ugurasho usameeyay dhinaca warshada Baastada.

Sidoo kale Ciidamada gumeysiga Ethiopia ayaa sidii caadada u aheyd waxey duqayn xoogan oo ay u adeegsanayeen Madaafiicda BM-ka duqeeyay xaafaddaha ay ka koobantahay degmada Huruwaay.  

Dadka deegaanka ayaa si aad ah uga argagaxsan dhawaaqa madaafiicda ee ay ridayaan ciidamada gumeysiga Ethiopia, iyagoo kasoo tuurayo Isbartiibada (Stadio Muqdisho) una qeybinaya dhammaan xaafadaha Suuqa Xoolaha, SOS, Huruwaay ee magaalada Muqdisho.

Saacada kadib waxaa yaraaday madaafiicdii iyo xabadihii ay ridayeen ciidamada gumeysiga Ethiopia iyadoo weli lamaqlayo mar mar Madaafiic iyo rasaas dhaceysa. Maaha markii ugu horeysay ee ay Ciidamada gumeyiga Ethiopia ku garaacaan madaafiic xaalafadaha magaalada Muqdisho. 

SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho 

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: