Mowliid Macaane”Xuquuqda Beesha Jareer Weyne waa lagu tuntay, Nuur Cade Xukuumadiisa Cusub-na ma ahan mid sharci ku socota”.

Mowliid Macaane

Mowliid Macaane

 Halkaan ka akhri

Mowliid Macaane”Xuquuqda Beesha Jareer Weyne waa lagu tuntay, Nuur Cade Xukuumadiisa Cusub-na ma ahan mid sharci ku socota”. 

Wasiirkii hore ee Isboortiga iyo dhalinyarada dawladdii hore ee Cali Geedi Mowliid Macaane Max’ud oo xalay iska waayay Liiska Golaha wasiirada Dowadda Cusub ee Nuur Cade ayaa ka dhawaajiyay in Xukuumadda Nur Cadde aysan aheyn mid u hogaansantay sharciga wadaaga awooda ee hab beeleedka.

Mowliid Macaane Max’ud waxaa uu sheegay in uu aad uga xunyahay xilkiisii Wasiirka Isboortiga in uu ka waayo Xukuumadda Cusub isla markaana hadane aan loo dhiibin Shaqsi kale oo kasoo jeeda beeshiisa Jareer Weyne.

”Aniga ma diidayo Xukuumadda, mana kasoo horjeesanayo go’aanka ay isku raaceen madaxweynaha iyo R/Wasaaraha laakin beesha Jareer Weyne ayay u taallaa iyadoo degta 9 gobol,7 kursina ku leh Baarlamaanka in la duudsiiyo xaqeeda”ayuu ku cataabay Macaane.

Wasiirkii hore ee dhalinyarada iyo Isboortiga waxaa uu sheegay in ay kulan deg deg ah la qaadan doonaan R/Wasare Nuur Cadde si ay ugula socodsiiyaan arrinta ku aadan wixii dhacay.

Mar wax laga weydiyay Mowliid Macaane waxa uu sabab uga dhigayo xilkiisa uu waayay ayuu sheegay in taasi ay tahay la safashadii ay la safteen R/Wasaarihii hore ee Somaliya Cali Max’ed Geedi.

SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com  

%d bloggers like this: