Maleeshiyaaad Beesha Maxamed Muuse oo lawareegta gacan kuhaynta magaalada Jowhar kadib markii dagaal uu dhex maray Maleeshiyada Axmed Cumar Jandhaay.

Ciidan

Dagaal Jowhar

 Halkaan ka akhri

Maleeshiyaaad Beesha Maxamed Muuse oo lawareegta gacan kuhaynta magaalada Jowhar kadib markii dagaal uu dhex maray Maleeshiyada Axmed Cumar Jandhaay. 

Dagaalkii Maanta ka qaraxay magaalada Jowhay ee xarunta gobalka Sh/dhexe oo soo gaba gabooyay kadib markii dagaal culus uu dhex maray maleeshiyo kala taabacsanaa Xuseen Dheere iyo Axmed Cumar Jandhaay saakay, dagaalkaasoo saakay arootii ka bilaawday magaalada Jowhar.

Wararka naga soo gaarayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in xalaadu ay iminka degan tahay islamarkaana uu dhamaaday dagaalkii udhexeeyay Maxamed Dheere walaalkiis oo lagu magacaabo Axmed Cumar jandhaay oo hogaaminayay maleeshiyada Beesha Warsan geli iyo Xuseen dheere oo ahaa hogaamiyaha Maleeshiyada Beesha Maxamed Muuse. 

Dagaalkan ayaa lasheegay in uu salka ku hayo jufo beeleedyo ka wada tirsan Magaalada Jowhar ee u wada shaqeeya Dowladda KMG ah.

Dadka deegaanka magaalada Jowhar ayaa sheegaya in xabadii ay joogsadatay balse ay isa soo tarayaan qasaarihii ka dhashay dagaalkii maanta dhacay dhimashada ayaa gaartay ilaa 8 Qofood, halka dhaawacana uu gaaray 17 Qof oo kale, waxaana lagu soo waramayaa in Maleeshiyada Beesha Maxamed Muuse ee uu hogaaminayay Xuseen Dheere ay lawareegtay gacan ku haynta magaalada Jowhar. 

SomaliSwiss Jowhar 

SomaliSwiss@hotmail.com  

%d bloggers like this: