Banaabax kii ugu weynaa oo ay isugu soo baxaan Soomaali qurba joogto ah oo ka dhacay shalay Magaalada London.

Bush no1 Trorist

Daawo Sawirada

 Halkaan ka akhri

Banaanbixii ugu weynaa ee ka dhacay magaalada London isla markaana ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kudhaqan Wadanka Ingiriiska ayaa shalay gelinkii dambe waxa uu ka dhacay Downing Street oo ah albaabka hore ee Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Britain.

Banaanbaxaasi ayaa waxaa kasoo qeybgalay Kumanaan Soomaali ah oo aad u fara badan, waxaana dhammaantood ay wada muujinayeen sida ay uga xun yihiin Tikreega Dalka kusoo duulay ee Xoogga ku qabsaday Wadanka Xorta ah ee Soomaaliya taasi oo ay u suurageliyeen daba dhilifyo Soomaali ah.

Kumanaankii qof ee isugu baxay London ayaa waxa ay siteen boorar ay ku muujinayeen hal kudhigyadooda, waxaana ku qornaa

ETHIOPIA OUT OF SOMALIA,

STOP THE GENOCIDE IN SOMALIA,

GEORGE BUSH CHILD KILLER,

BUSH IS NO: 1 TERRORIST,

CIA AND USA OUT OF SOMALIA,

FREE AHMED DIIRIYE,

MUQAAWAMADDA HA GUULAYSATO,

CADAWGA ITOOBIYA IYO DABADHILIFKOODU HA JABO,

NiNKII DHOOF KUYIMAADEEY GEERIDU DHIBEYSAA. Iyo ereyo kale.

Banaanbaxa ayaa dadkii kasoo qeybgalay waxaa kamid ahaa Mas’uuliyiin katirsan Isbaheysiga Dib u xoreynta Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaana kamid ahaa C/raxmaan Dheere, Maxamuud Axmed (Tarsan) iyo Mas’uuliyiin kale oo katirsan Isbaheyisgaasi, waxaa sidoo kale kasoo qeybgalay banaanabxa ururo dhalinyaro oo ay kamid tahay Somali Youth Council iyo kuwa kale oo caalami ah.

Waxaa xusuusin mudan oo in si gaar ah loo xuso mudan kana soo qeybgalay Banaanbaxa Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo ah Abwaan kuweyn Shacabka Soomaaliyeed oo wax badan lagu yaqaanno Nabadda.

Waxaa halkaasi ka hadlay Mas’uuliyiintii horkaceysay Banaanbaxa oo muujineysa sida ay uga soo horjeedaan Xasuuqa lagulakacayo Walaalahooda Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa kudhaqan Muqdisho ee la dilay, labarakiciyay iyo sidoo kale la xirxirtay.

Ugu dambeyntii banaanbaxa ayaa kusoo gaba gaboobay jawwi aad u qurux badan iyadoo wariyeyaal halkaasi kusugnaana ay si weyn u soo tabinayeen banaanbaxa iyo qaabka uu u dhacayo, waxaana kamid ahaa Idaacado ka shaqeeya Muqdisho iyo sidoo kale kuwa Local ah oo ka shaqeeya Gudaha magaalada tan London iyo kuwa Caalami ah.

Banaanbaxani ayaa noqonaya kii ugu weynaa oo ka dhaca magaalada London kaasi oo lagu muujinayo sida Soomaalida ay uga soo horjeedaan Xasuuqa lagula kacayo Shacabka Soomaaliyeed iyo sida arxan darrada ah ee weli loo laynayo.

SomaliSwiss@hotmail.com

 

%d bloggers like this: