Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jebiyay mid ka mid ah Jaamacadaha ugu waa weyn magaalada London ee dalka Ingiriiska (Daawo Sawirada)

Arday ka Qalin jebisay Jaamacad

Arday Qalin jebisay

 Halkaan ka akhri

Axad, December 02, 2007(HOL): Xaflad qalin jabin ah oo ay Jaamacad uga baxeen Arday Soomaaliyeed ayaa 26/11/07 lagu qabtay Magaalada London ee Dalka Ingiriiska, iyadoo xafladdii ay Ardaydaas ku qalin jebiyeen-na ay ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay.

Xaflad qalin-jebin ahayd oo ay qabatay Jaamacadda THAMES VALLEY UNIVERSITY oo ka mid ah Jaamacadaha ugu weyn ee Dalka Ingiriiska ayaa waxay ka mid ahayd xaflado ay Jaamacaddaas sanadkiiba mar qabato, taasi oo loo dhigo ardayda ka baxda Jaamacadda.

Sanadkan waxaa nasiib u yeeshay in ay Xafladda qalin-jebinta ka qeyb-qaataan labo Arday oo Soomaaliyeed oo kala ah Nuur Iidow Beyle iyo Bashiir Cali Guuleed, kuwaasi oo Shahaadada Master-ka ka qaatay MASTER OF SCIENCE IN FINANCIAL AND LEGAL MANAGEMENT (MSC).Sidoo kalena waxaan iyana xusid mudan in sedexdii sano ee la soo dhaafay ay Jaamacadaan ka qalin jabiyeen 23 arday oo Soomaali ah, kuwaas oo dhameystay, kana soo baxay dhamaan waxbarashada qeybaha kala duwan ee ay Jaamacadu ka kooban tahay, qaatayna Shahaadooyinka sida BA, BSC, ACCA, MA, MBA iyo DIPLOMA.

“Waxaa hubaal ah in aan halkaan lagu soo koobi karin dhamaan Shahaadooyinkii kala duwanaa oo ardaydaas Soomaaliyeed ay Jaamacadaas ka qaateen, waxay ahaayeen dad dadaalaya, aadna isugu xiran runtiina aad uga xumaa waxyaalaha maanta ka dhacaya dalkoodii Soomaaliya, waxayna mararka qaarkood ay isku dhiirigelin jireen in arday waliba wixii uu bartay uu uga faa’iideeyo Dalkiisii iyo Dadkiisa”sidaas waxaa yiri Nuur Iidow Beyle oo ka mid ah Ardayda sanadkan ka qalin jebisay Jaamacadda THAMES VALLEY UNIVERSITY.

Labadan Arday ee ka baxay Jaamacada THAMES VALLEY UNIVERSITY waxay Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta Jaamacadaha Dalka Ingiriiska ay ugu baaqeen in ay dadaalaan, isla markaana ka faa’iideystaan waqtigooda qaali ah, si ay kaalimo fiican ugu soo baxaan.

Ugu dambeyntiina, Labdan Arday waxay intaas ku dareen in 119 Jaamacadood oo ku yaala Dalka Ingiriiska ay dhigtaan Arday fara badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo markii ay waxbarashada cabaar wadaan uga tagaan sababo ay ka mid yihiin in ardayda qaarkood lagu yeesho maadooyin, kadibna ay dhiibi waayaan, “Arrintaas waxay keentaa inay arday badan ka cararaan Jaamacadda, balse waxaan kula talineynaa Ardayda Jaamacadaha ku jira inay u dhabar adeygaan, iskuna dayaan in xiliga la xiro Jaamacadaha dalkan oo ah June ilaa September ay Ardaydu dhiibaan Maadooyinka lagu yeesho, ogaadaana in ay ka bixi doonaan xiliga adag” sidaas waxaa ku talo bixiyay Nuur Iidow Beyle iyo Bashiir Cali Guuleed oo dhameystay waxbarasho heer Jaamacadeed oo ay ku  qaateen Dalka Ingiriiska.

Sourse: Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: