Tahriib Yemen
 Halkaan ka akhri
Mas’uul sare oo Maalintii shalay u hadlay Dowlada Yemen ayaa sheegay in 80 qof oo tahriibayaal ah ay ku dhinteen xeebaha Yemen ka dib markii ay maanshootay doontii ay la socdeen, kuwaas oo ka yimaaday dalka Soomaaliya una soo socda dalka yemen.
Mas’uulkaasi ayaa intaa ku daray in 45 qof oo kaliya ay ka badbaadeen markii ay maanshootay doontaas oo ay saarnaayeen markii hore 126 tahriibayaal, ka dib markii ay u soo dhawaadeen xeebaha koonfureed ee Yemen.
Tahriibayaashan oo ku soo aaday xeebta yemen xili wakhti dambe ah maalinimadii khamiista ee la soo dhaafay, waxaana la xaqiijiyay in dadka bad baaday ay u badanyihiin soomaali.
Mas’uulkaasi yemeniga ah ayaa sidoo kale sheegay in shaqaalaha badbaadinta ay soo saareen meydadka 27 qof, iyada oo intii badbaadayna lagu wareejiyay hay’adaha Qaramada Midoobay ugu qaabilsan arimaha Qaxootiga ee loo yaqaano UNHCR.
Isbuucii la soo dhaafay ayaa 65 qof oo 3 ka mid ah ay ahaayeen caruur ay ku geeriyooday gacanka cadmeed xili ay isku dayayeen in ay u gudbaan dalka yemen.
SomaliSwiss Translation
Filed under: SomaliSwiss | Tagged: SomaliSwiss Bern |
You must be logged in to post a comment.