Dawlada Qadar sheegtay in Ururka IGAD uu mas’uul ka yahay dhibaatada ka taagan wadanka Somaliya.

King of the State of Qatar

King of the state of Qatar

 Halkaan ka akhri

Dawlada Qadar sheegtay in Ururka IGAD uu mas’uul ka yahay dhibaatada ka taagan wadanka Somaliya.

Afhayeen u hadlay wasaarada arrimaha dibeda ee dowladda Qadar oo lagu magacaabo Badri Bin Hashim ayaa waxaa uu sheegay in dawlada Qadar ay si weyn uga xun tahay dhibaatada ka aloosan wadanka Somalia gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Badri Bin Hashimi waxana uu sheegay in masuuliyada dhibaatada ka taagan dalka Somaliya ay dusha u ridanayaan dalalka xubnaha ka ah ururka IGAD kadib markii ay la safteen dhinac ka mid ah Somaalida ee dirirtu u dhaxeeyso, shacab aan waxba galabsanna madaafiic la dheceen.

Badri Bin Hashimi waxa uu intaa ku daray in dowladda Qadar ay diyaar u tahay in ay qabato kulan kasta ee lagu heshiisiinayo dhinacyada Soomaaliyed ee uu dagaalku u dhexeeyo, isaga oo sheegay inuu aamin san yahay in hadii kooxaha Somalida ah laga daayo fara gelinta dowladaha shisheeye kaga imanaysa ay Somalida heshiis dhexdooda kawada gaari karaan.

Maaha markii ugu horeysay ee dowladda Qadar ka hadasho dhibaatada ka taagan wadanka Soomaaliya, iyadoo uu dhowaan Amiirka dalka Qadar Sheekh Xamad Bin Khaliifa Al-thaani uu sheegay in wadanka Soomaaliya uu ku jiro gumeysi shisheeye, ciidamada gumeysiga Ethiopia-na ay xasuuq u geysteen Shacab badan oo Soomaaliyeed.

SomaliSwiss Doha Qadar

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: