Maxamed Qanyare
 Halkaan ka akhri
iyadoo ay Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka baay ay kusuganayihiin Ciidamada Itoobiya kuwooda ugubadan ee kusoo duulay Soomaliya ayaa siyaaba kaladuwan looga hadlaa sida ay Siyaasiyiinta iyo Xildhibanada Baarlamaanka Soomaaliya ay ugu noolyihiin.
Baydhabo ayaa la sheeagy in ay Xabsi kor kafuran isku bedeshay cidii tagtana aysan kabixi karin hadii ay baxdana ayna dhaafi karin garoonka diyaradaha magaalada Baydhabo.
Balse waxaa dhawaan si xirfadaysan uga baxay magaalada Baydhabo Xildhibaan maxamed qanyre Afrax oo Safar deg deg ah kutegay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya kadib markii uu u adkysan waayay cadaadiska ay saarayaan saraakiisha Ciidamada Cadawga Itoobiya iyo Sarakiisha ay isku jufada yihiin C/laahi yuusuf Axmed.
Maxamed Qanyare Afrax oo siwayn uga soo horjeeday C/llaahi yuusuf Axmed islamarkaana aad u taageersanaa Garabkii taageerada u ahaa Cali Maxamed Geedi markii uu iscasilay Geedi ayay Qanyare iyo Xildhibaano ay isku fikir ahaayeen oo dhistay Urur lamagac baxay Iskuduubnida baarlamaanka (KIB) isku dayeen in ay diidaan qodobadii kasoo baxay Shirkii dib u heshisiinta gaar ahaa in R/wasaaraha ,laga qaato meel kabaxsan baarlamanaka , qanyare iyo C/laahi shkiikh Ismaaciil.
Maxamed Qanyare Afrax ayaa si deg deg ah isku bedelay oo sheegay in isaga iyo Ururkisii ( KIB) ay tanaasuleen kadib markii digniin ay soo gaarsiyeen Ciidamada Itoobiya ee xooga ku joogo dalka Soomalia.
Warar lagu kalsoonyahay oo ay heshay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in Maxamed Qanyare Afrax loo ogolaaday in uu aado Kenya markii uu Nairobi tegay ayaa lagu amray in uu dib ugu laabto Baydhabo balse uu ku gacan sayray.
Mr. Qanyare oo ay kamuuqto murugo ayaa safar dhinaca lugta ah ku galay wadanka Uganda halkaas oo uu ka bilaabay xoogsi gaar ahaa Qanyare ayaa las sheegay in uu naqday Darawal kadib markii uu iibsaday Gawaarida Xamuulka ah ee loo yaqaan Tareelada.
Dad Soomali ah oo kusugan dalka Uganda ayaa sheegay in Qanyare uu hada yahay madaxa Gaadiidlayda kaxayso Tareelada isga kala gooshta wadamada Ugadna , Tanzaaniya ilaa iyo Malaawi , Qanyare hada waa xirfadle aan turufa tooranimo wax ku qaadan balse xoogiisa wax ku cunoÂ
Sababaha keenay in Siyaasigan ruug cadaaga ah uu isku bedelo Nin xoogsada ah ayaa ah in uu u adkaysan waayay cadaadiska uu kala kulmayo Ciidamada Cadwagha Itoobiya iyo Oday C/llaahi yuusu ,iyo isaga oo aan doonayn in uu ku dhaqmo Shareecadda Isalaamka maadaama uu dagaal xeel dheer kala dhexeeyo dagaalyahanada Maxkmadaha Islaamka oo uu mar ka dhoofin jiray garoomada dalka Soomaliya.
Waa siyaasigii ugu horeeyay ee xildhibanimadiisii door biday in uu naqdo Xamaali ka xoogsado Wadan African ah oo uu mar lakulmi jiray Madaxdiisa, waxaa lafilayaa in siyaasiyiin badan ay ku biiraan Qanyarae hadii ay soo socdaan cadaadska lagu hayo Xildhibaanada Soomaliya, waxaana kamida Xildhibanada qarka usaaran in wadada Qanyare racaan Cismaan caato iyo xildhiban Cabdi Cabdulle Saciis Jini Boqor
Qanyare ayay ku dhacday Diin la’aan iyo Nolol Xumo uu ilaah isgu daray kadib markii uu Marykanka ka iibiyay Culimo Muslimiin Soomali ah.( ilaahay, cidna cidkale uga eexan maayo)
Kambala Ugandaa
Sourse Huriwaa.com
Filed under: SomaliSwiss | Tagged: Kambala, Uganda |
You must be logged in to post a comment.