Dagaal habeenkii 2aad
 Halkaan ka akhri
Waxaa habeenkii labaad weerar aad u xoogan lagu qaaday fariisimaha ay Ciidamada gumeysiga Ethiopia ku leeyihiin qeyba kamid ah wadada 30-ka halkaasi oo xalay fiidkii dagaal qaraar uu ka dhacay.
Xoogaga hubeysan ee kasoo horjeeda gumeysiga oo aad u fara badan ayaa weerar ku qaaday fariisimo ay ciidamada gumeysiga Ethiopia kuleeyihiin magaalada muqdisho gaar ahaan wadada 30 ka Carwa Idko, Baar Ubax, ilaa Wadada Cali Kamiin iyadoona halkasi uu ku dhexmaray dagaal ad u qaraar.
Ciidamada Ethiopian-ka ayaa Taangiyadooda si argagax ah u furay waxaana ay rideen dhowr madfac oo aan la sheegi karin hadii ay jiraan dad rayid ah oo wax ku noqday inkastoo markii horeba rayidka isaga cararay magaalada Muqdisho.
Weerarkii Caawa ayaa la sheegayaa in uu daba socdo kii xalay isla markaana ay Xoogagga hubeysan ku doonayaan sidi ay wadada 30-ka oo gabi ahaanba u xiran Ciidamada Itoobiyaanka dib ugu furi lahaayeen.
SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss | Tagged: Mogadishu Somalia |
You must be logged in to post a comment.