Saraakiisha ciidamada gumeysiga Ethiopian-ka oo u hanjabay Odoyaasha iyo Maamulka Gobalka Hiiraan, sadex cishana u qabtay.

ethop.jpg

Balad-weyne

 Halkaan ka akhri

Saraakiisha ciidamada gumeysiga Ethiopian-ka oo u hanjabay Odoyaasha iyo Maamulka Gobalka Hiiraan, sadex cishana u qabtay.Kulan balaaran ayaa maanta waxa uu ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Kulankan ayaa waxa uu dhex maray Saraakiisha ciidamada gumeysiga Ethiopian-ka, Maamulka Gobalka Hiiraan iyo Odoyaal Dhaqameedyada gobolkaasi.

Kulanka kadib ayaa Saxaafada waxaa u waramay Guddoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasadda ee gobolka Hiiran Cabdi Xuseen Geeddi waxuuna sheegay inay Saraakiisha Ethiopian-ka u hanjabeen Odoyaasha Dhaqanka iyo Maamulka Gobalka intaba.

Mas’uulka ayaa sheegay inay Saraakiisha ku goodiyeen hadii muddo 3 cisho ah loo soo gacan galin dadkii ka dambeeyay weerarkii dhawaan lagu xasuuqay ciidamada gumeysiga Ethiopian-ka ee Baladweyne ku sugan, inay talaabo xoogan qaadi doonaan.

Waxa uu sheegay inay Saraakiisha gumeystaha ku goodiyeen inaysan kala aqoon ninka weerarka kusoo qaadaya iyo shacabka rayidka ah isla markaana muddo saddex cisho kadib hadii aan gacanta loo soo galin dadkii soo weeraray ay isku mid u leyn doonaan Maamulka Gobalka iyo Shacabka gobalka ku dhaqan intaba.

Waxa uu intaasi ku daray inay Saraakiishaasi kulankii oo socda ay ka kaceen, isla markaana sheegeen saddex cisho kadib inay qaadi doonaan talaabo aysan waligood horey u qaadin hadii aan loo soo gacan galin dadkii soo weeraray.

Si kastaba ha ahaatee, Saraakiisha gumeysiga Ethiopian-ka ee Somalia ku sugan ayaa waayadii ugu dambeyay soo shaac bixiyay in ay heystaan wadanka Soomaaliya sida ay rabanna kayeeli karaan, waxaana iska cad sida ay ugu marmarsiyoonayaan inay laayaan dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.

SomaliSwiss Hiiraan 

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: