Dagaalka Maanta
 Halkaan ka akhri
Dagaalo baahsan ayaa saaka ka qarxay qeybo kamid ah deegaanka Suuqa Xoolaha halkaasi oo ay ku hardamayaan Cidamada dawladda, iyo kuwa gumeysiga Ethiopia oo dhinac ah iyo Xoogagga kasoo horjeeda cadowga.
Dagaaladii saaka ka qarxay deegaanka Suuqa Xoolaha ayaa ka danbeeyay kadib markii Cidamada dawladda iyo kuwa gumeysiga Ethiopia ay ku dhaqaaqeen howlgallo baaritaano ah, maadaama labadii habeen ee lasoo dhaafay weeraro xoogan lagu qaaday fariiisimaha ciidamada dawladda iyo kuwa gumeysiga Ethiopian-ka.
Dagaalka saaka waxaa la isku adeegsanayaa hubka nuucyadiisa kala duwan iyadoona ciidamada gumeysiga ay madaafiic ku garaacayaan xaafadaha dadka rayidka ah ay degan yihiin.
Dagaalada maanta ayaa lagu jabiyay ciidamada gumeysiga Ethiopia, iyagoona faarujiyay xaafadaha Muqdisho xeryahoodana dib u galay, sidaasna ay wadooyinka Muqdisho maanta ku furmeen.
Xoogag aad u hubeysan ayaa la dagaalamaya Ciidamada dawladda iyo kuwa gumeysiga Ethiopia iyadoona ay Xoogagga gumeysi diidka ah adeegsanayaan cusub oo casri ah, Hubkaasoo dhowaan soo gaaray Xoogaga Gumeysi diidka Soomaaliyeed.
SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss | Tagged: Mogadishu Somalia |
You must be logged in to post a comment.