Gudoomiyaha Isbaheysiga Dib-U-Xoreynta Sheikh Shariif iyo Wafdi uu hogaaminayo oo lagu wado in uu gaaro magaalada qaahira ee Wadanka Masar.

Egypt Masar

Qaahira Masar

 Halkaan ka akhri 

Dowladda Masar oo ka mid ah Dowladaha Carbeed ee sida weyn ugu lugta leh Arrimaha Soomaaliya ayaa dalkeeda ku casuuntay Hogaamiyihii Maxkamadihii Islaamiga, ahna Madaxa Isbaheysiga Dib-U-Xoreynta  ee fadhigoodu yahay magaalada Asmara Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa la filayaa inuu tago Dalka Msar, gaar ahaan Caasimadiisa Qaahira. 

Wasaarada Arrimaha Dibada Masar ayaa isku dayeysa in ay arrimaha Soomaaliya u raadiso xal dib u heshiisiineed, iyadoona warar dhowaan ka soo baxay ay ku sheegtay in si deg deg ah dalka looga saaro Ciidamada gumeysiga Ethiopia, si Soomaalida u gaaraan nabad iyo dib u heshiisiin.

Balse Gudoomiyaha Isbaheysiga Dib-U-Xoreynta Soomaaliya Sheikh Shariif ayaa aad uga soo horjeeda joogitaanka Ciidamada gumeysiga Ethiopia ee dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay dhoorjeer in marka hore dalka laga saaro ciidamada gumeysiga Ethiopian, hadii la rabo wada hadal suurta geliya sidii loo heli lahaa nabad waarta.

Masar waxay dhawaan soo dhaweysay Magacabida Ra’iisal Wasaaraha cusub iyo hadalkii Nuur Cadde ee ahaa in ay wada hadalo xukuumaddiisa la furi doonto Isbaheysiga Dib-U-Xoreynta Soomaaliya ee kasoo horjeeda Siyaasadooda iyo gumeysiga wadanka heysta.

SomaliSwiss Wakiilka Asmara

 

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: