Xaalada goobihii xalay lagu xasuuqay Ciidamada gumeysiga Ethiopia iyo kuwa dhar-cagaarta ee dagaalada xoogan ay ka dheceen oo saakay degan.

dagaalka xamar

Dagaalkii Xalay

Halkaan ka akhri

Xaalada goobihii xalay lagu xasuuqay Ciidamada gumeysiga Ethiopia iyo kuwa dhar-cagaarta ee dagaalada xoogan ay ka dheceen oo saakay degan, iyagoo aan wax howl gal ah maanta sameyn.

Iska hor imaadya xoogan ayaa xalay waxa uu ka dhacay qeyba badan oo ka mid ah Magaalada Muqdisho oo fariisin u ah ciidamada dhar-cagaarta iyo Ciidamada gumeysiga Ethiopia, kaasoo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Goobaha uu dagaalka xoogan ka dhacay ayaa waxaa ka mid ah Warshada Baastada, Xeylla bariise, Xerada guul wadayaasha, Xerada Maslax, Laamiga weyn ee jidka 30-ka, Sadhiga degmada Yaaqshiid, islamarkaana ay ku dhinteen 2 qof oo rayid ah 5 kalana uu dhaawac soo gaaray.

Dagaalka xalay ayaa si xun loogu weeraray Xerooyin ay ku jireen Ciidamada Gumeysiga Ethiopia, iyadoona uu jiro qasaaro xoogan oo soo garay ciidamada dowlada iyo kuwa gumeysiga Ethiopa balse aan la ogeen tirada dhabta ah ee Ciidamada ku waxyeeloobay dagaalkaasi.

Xaalada goobaha ay dagaalada xoogan ka dheceen ayaa saakay degan mana jirio wax baaritaano ah oo ay maanta sameeyeen Ciidamada dhar-cagaarta Dowladda iyo kuwa gumeysiga Ethiopia, maadaama xalay uu jab xoogan soo gaaray oo aan xabadda loo kala joojin.

Waxaa maanta is badalay sidii lagu ogaa Ciidamada cadowga gumeysiga Ethiopia markii laweeraro goobaha ay degan yihiin subixii ku kalihi jiray dadka rayidka ah ee degan Xaafadaha xerooyinkooda ka agdhow, ayadoona marka ay dhacaan Weeraro lagu soo qaado iyaga ay qafaalan jireen dadka rayidka ah.

Sidoo kale Meydadka afar qof oo rayid ah oo qaarkood ay gumeysiga qowreceen ayaa saaka laga soo qaaday qeybo kamid ah goobihii xalay lagu xasuuqay Ciidamada gumeysiga Ethiopian iyo kuwa dhar-cagaarta oo dhinac ahaa iyo Xoogagga kasoo horjeeday ee Isbaheysiga Dib U Xoreynta Somalia.

SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: