Xaaji Cabdi Iimaan:- Waa in Maxkamad la soo taagaa Axmed Diiriye, haddii dembi lagu waayana waa in la soo daayaa.????

Axmed Diiriye

Axmed Diiriye

Halkaan ka akhri

Muqdisho Arbaco ( SomaliSwiss ) 28.11.2007 

Gudoomiyaha hore Odayaasha dhaqanka Hawiye ee la shaqeeya dawlada Federaalka Somaliya Xaaji Cabdi Iimaan Cumar ayaa ku baaqay in nabadoon Axmed Diiriye oo ah afhayeenka Odayaasha Hawiye Maxkamad lasoo taago.   

Xaaji Cabdi Iimaan oo wareysi gaar ah siiyay mid kamid ah Idacadaha magaalada Muqdisho ayaa ku waramay in uu ka xunyahay xarigga Diiriye laakin hadane ay tahay in uu maxkamad maro si loo ogaado hadii danbi uu leeyahay iyo hadii kale.  

Xaaji Cabdi Iimaan oo lacago badan ka qaatay dawladda Federaalka si uu kaga taanasulo qadiyadda Hawiye ayaa intaasi raaciyay in isaga uu saaxiib la yahay Nabadoonka u xiran dawladda balse hadane uusan ogeyn waxa keenay xarigiisa.  

C/laahi Yusuf waa inkiryay xarigga Axmed Diiriye, anigasa waxaan ogahay in dawladda uu u xiran yahay marka waa in la maxkamadeeyaa ka dibna haddii danbi lagu waayana la sii daayaa ayuu yiri Xaaji Cabdi Iimaan. 

SomaliSwiss Wakiilka Muqdisho 

somaliswiss@hotmail.com

<span>%d</span> bloggers like this: