Jabhada ONLF oo dishey 6 askari oo Ethiopian ah oo Ilaalinay Shirkad Laga Leeyahay Dalka Maleysiya oo Sahan Shidaal u tagtay aagga Cobolle.

Jabhadda ONLF

 ONLF

 Halkaan ka akhri


Sawirka oo weyn: www.lib.utexas.edu



Ogaden Basin: 12 Blocks… | Isha: http://upload.wikimedia.org/

Jabhada ONLF oo dishey 6 askari oo Itoobiyaan ah oo Ilaalinay Shirkad Laga Leeyahay Dalka Maleysiya oo Sahan Shidaal u tagtay aagga Cobolle…

Bishan November 4, 2007 tuulada Luqun-Gorayaale, oo Cobolle u dhaw, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumayisga lagaga dilay 6 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay, sida ay werisey idaacada Xorriyo.

Ciidammada gumaysiga ee weerarkan loo gaystay ayaa ahaa kuwo waday koox shaqaale ah oo ka tirsan Sharikada Shidaalka ee Petrona, oo laga leeyahay dalka Maleesiya. Kooxdani waxay sahaminayeen meelihii ay Sharikadaasi hawlaha shidaal qodista ka billaabi lahayd.

Kooxdan ayaa markii weerarkaasi wabsaday waxay ku soo noqdeen magaalada Jigjiga. Weerarkani wax dhibaato ah uma gaysanin shaqaalaha Sharikadaas.

Cobolle waxay 30km dhinaca Waqooyi-Galbeed ka xigtaa Magaalada Dhagaxbuur, isla markaasna 120 km (75 miles) Koonfur kaga aadan tahay magaalada Jigjiga oo ah dhulka ay Itoobiya gumeysiga kaga haysato Soomaalida, waana meeshii ay bishii April 24, 2007 Jabhadda ONLF ku dileen 65 ka tirsanaa ciidanka Itoobiya oo ilaalinayey shirkad Shiine ah iyo 9 u dhashay dalka Shiinaha oo shaqaale ahaa shirkada Shiinaha ee la yiraahdo (ZPEB) oo aaggaas shidaal ka baareysey, 7 kale oo Shiine ahna halkaas ku qafaashay, in kasta oo ay markii dambe sii daayeen.

Batroolka Dhulka SomaliGalbeed:::

Dhulka looyaqaan “Ogaden Basin” ama dhulka godan ee dooxada oo kale ah, bedkiisu waxa uu dhan yahay 350,000km. Dhulkaas xukuumada Itoobiya waxay u qaybisay 12 qaybood ama wax loo yaqaan (12 Blocks) si ay uga kirayso shirkado kala duwan oo dhulkaas shidaal ka baarta iyadoo aan laga tashan dadkii dhulkaas lahaa.

Dhulkaas oo ah dhul Soomaaliyeed waxa ay jabhadah aka dagaalama had iyo jeer farta ku fiiqaan in dhulkaasi ka mid yihiin meelaha ay ka jirto ciqaabta ugu xun ee dad bini’aadam ah la marsiiyo. Dhibaatooyinka dadka dhulkaas dega loo geysto waxaa beryahan dambe ku baraarugey warbaahinta caalamka.

Dhibaatooyinka ugu dambeeyey ee loo geystey dadka Soomaaliyeed ee dhulkaas asalka u leh waxaa ka mid ah qiso aad looga naxay oo ay dhowaan ciidamada Itoobiya u geysteen dadka ku dhaqan tuulada Kamuda oo ay deggan yihiin ilaa 200 oo qoys. Tuuladaas ayaa waxaa galay 180 ka tirsan ciidamada Itoobiya kuwaas oo geystey tacadi la mariyo dad bini’aadam ah kuwii ugu xumayd, sida ay qortay Jariidad ka soo baxda UK.

Qoraalkaas ay 17kii Octoebr 2007 qortay jariidada Independent ee ka soo baxda dalk UK, oo ay cinwaan uga dhigtay ‘Daafuurtii Ethiopia’, ayey kaga warbixisay sida ay ciidamada Itoobiya u silic dilyeeyeen, una kufsadeen toddoba gabdhood oo ay ka kaxaysteen tuulada Kamuda oo ku taal dhulka Soomaalida ee ay Itoobiya gumaysato.

Waregeysku waxa uu xusay in ciidamada Itoobiya inta ay rasaas ku fureen tuulada ay xoog ku kaxaysteen toddoba gabdhood oo da’doodu u dhexaysey 15 ilaa 18 jir. Subaxdii xigtey waxaa la helay gabadhii ugu yarayd oo inta ay kufsadeen, oo jir dileen ay geed ka soo daldaleen. Subaxdii xigtey waxaa gabadhii labaad laga helay isla geedkii iyadoo sidii oo kale loo galay. Subaxdii saddexaddna gabar sidii oo kale oo galay. Gabdhihii kale meel ay raq iyo ruux ku dambeeyeen lama arag.

Jariidadu waxay qortay in dhawr maalmood ka dib ay ciidamada Itoobiya inta ay soo laabteen ay tuuladii ka kaxaysteen wiil 12-sano jir ah oo ay si wadar ahaan ah u kufsadeen. Habeen kastana inta askartaasi ay tuulada yimaadaan ay albaabada soo garaacaan iyagoo raadinaay dumar ay kufsadaan. Waxayna jariidadu xustay hooyo dhashay toddoba carruur ah oo tuuladaas ku noolayd markii ay u adkaysan weydey ay halkaas ka cararay oo tagtay magaalada Boosaaso oo 300 km u jirta tuuladaas. (Qisadaas oo Af Ingriis ah ka eeg halkan…).

Isha: Xorriyo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: