Baasaboorkii Cusbaa ee dowladda KMG ah ay soo samaysatay E-Passbort oo socon waayey kadib markii la aqoonsan waayey.

E. Passport

E-Passbort

 Halkaan ka akhri

Baasaboorkii Cusbaa ee dowladda KMG ah ay soo samaysatay E-Passbort oo socon waayey kadib markii la aqoonsan waayey.

Dood dheer oo muddo qaadatay ka dib ayaa waxaa Dowladda KMG ay shalay shaaca ka qaaday in loo ogolaaday in Xujaayda sanadkan ay isticmaalaan Baasaboorkii hore ee Soomaaliya, iyadoo go’aankaasna ay Dowladda qaadatay kadib markii ay shir yeesheen madaxda sare ee Dowladda oo sida la sheegay loo gudbiyay cabashooyin ka imaanayay Fiisooyin Xijka loogu soo saaray Baasaboorkii hor ee Soomaaliya.

Afhayeenka Xukuumaddii hore Soomaaliya, haatan-na u hadlay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha cusub Cabdi Xaaji Goob-doon ayaa sheegay in C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo ka wada hadlay cabashooyinka ka imaanayay Xujaayda ay go’aamiyeen in Baasaboorkii hore lagu Xajiyo.

Dukumiintiyada ay ku socdaalayaan Xujaayda sanadkan, isagoo caddeeyay in ay Dowladda go’aamisay in sidoo kale Xajka lagu aadi karo Baasaboorka cusub iyo Dukumiinti aan Baasaboor ahayan, balse dhaafiye fudud ah, kaasi oo Xajka kaliya lagu aadi karo.

Cabdi Xaaji Goob-doon oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in aan Baasaboorka cusub la isticmaali doonin wixii ka dambeeya Xajka, wuxuuna caddeeyay in xiligaas kadib uu si rasmi ah u shaqeyn doono Baasaboorka cusub ee ay soo sameysay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waaxda Socdaalka Dowladda KMG ayaa horay waxay u soo saartay amar ah in aan lagu dhoofi karin Baasaboorkii hore ee Soomaaliya, isla makaana ay Dadka Xujaayda ah ee aan fursadda u helin in ay qaataan Baasaboorka cusub ay qaadan karaan Dukumiinti ay Xajka ku soo gudan karaan.

Amarkaas ka soo baxay Waaxda Socdaalka waxaa si weyn uga naxay Shirkadaha Diyaaradaha Muqdisho iyo weliba Xujaay badan oo Visa loogu saaray Baasaboorkii hore ee Soomaaliya, ha yeeshee waxay aad ugu farxeen go’aanka ka soo baxay madaxda Dowladda ee loogu ogolaaday in Baasaboorkii hore ay ku tegi karaan Sacuudiga si ay u soo xajiyaan.

Baasaboorkan ay Sameysteen Dowladdan maqaar saarka ah ayaa aduunku diiday kadib markii Shacbi weynaha Soomaaliyeed ee Siyaasiyiinta ah ay sheegeen in uusan Baasaboorkan Cusub ee ay ku Qoran tahay E- Passbort uusan matali karin Baasaboor Somali ay leedahay.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Go’aanka ka soo baxay Madaxda sare ee Dowladda KMG ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo Xujaay badan oo ka tegay Magaalada Muqdisho ay Baasaboorkii hore kaga dhoofayeen Garoomo ku yaala Deegaannada Puntland iyo Somaliland, kadib markii laga diiday Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss Xafiiska Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: