Advertisements

Weerar xoogan ayaa xalay lala beegsaday ciidamada gumeysiga Ethiopia ee ku sugnaa xerada Janta kundishe ee Magalada Balad-weyne.

Dagaal

Balad-weyne 

 Halkaan ka akhri

Weerar xoogan ayaa xalay lala beegsaday ciidamada gumeysiga Ethiopia ee ku sugnaa xerada Janto kundishe ee Magalada Balad-weyne.

Warar xoog ogaal ah oo ka imaanaya Magaalada Balad-weyne ayaa sheegaya in xalay Weerar culus lagu qaaday Ciidamada gumeysiga cadawga Ethiopia ee ku sugan xarunta janda kuundisho ee ku taala duleedka Magaalada Balad-weyne.

Dagaalkan xalay ayaa waxaa lay isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, kaasoo sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka si aad ah loogu halaajiyay oo uu jab xun kasoo gaaray Ciidamada gumeysiga cadowga Ethiopia.

Dagaalkii xalay ka dhacay xarunat janda kuundisho ee magaalada Balad-weyne ayaa wuxuu dhex maray Xoogagg kasoo jeeda Maxkamadihii Islaamka amaba Isbaheysiga Dib U Xoreynta Soomaaliya oo laba dhinac kasoo weeraray iyo Ciidamada cadawga gumeysiga Ethiopia, oo xilligaasi nasasha ku jiray, ka gadaal markii lagu soo jebiyey dagaal shalay looga itaal roonaaday oo ku qabsaday deegaanada Bacda iyo Matabaan oo 42-km dhinaca waqooyi ka xigta magaalada Balad-weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Lama sheegi karo khasaaraha dhabta ah ee Ciidamada cadowga gumeysiga Ethiopia ka soo gaaray, balse dadka deegaanka ayaa sheegay in ay arkayeen 2 baabuur oo illaa saakay holceysay iyo weliba xeradii ay degganaayeen oo qeyb dhan oo kamid ah ay bas beeshay, kadib markii dab xooggan uu qabsaday.

Weerarkaan xalay lagu qaaday Ciidamada cadawga gumeysiga Ethiopia ee ku sugan xerada janda kuundisho ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili deegaanka bacda ay shalay ka dhaceen dagaallo ay ku halaagsameen Ciidamadaasi, waxaana isa soo taraya wararka sheegaya in todoba gobol ay ciidamada gumeysiga Ethiopianka ku go´doonsan yihiin oo ay adag tahay si ay uga baxaan, waxaana go´doomiyay ciidamo fara badan oo kasoo jeeda Maxkamadihii Islaamka.

SomaliSwiss Hiiraan

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: