Isgoyska Sanca
 Halkaan ka akhri
Ciidamada dhar cagaarta ee sheegta booliska ee saldhiga degmada Kaaraan ayaa xaley toogasho ku diley labo wiil oo dhalin yara ah, iyagoo marayey isgoyska Sanca.
Meydadka labadan wiil ee dhalin yarada ah ayaa waxa la dhigey markii la diley ka dib, saldhiga degmada Kaaraan.
Ma jirta cid ka hadashey dilka labada wiil ee dhalin yarada ah, waxaana aan la ogeyn sababaha keeney in viidamadan ay iska dilaan dhalinyaradan iyagoo aan waxba galabsan.
Ciidamada dilka geystay ayaa la sheegey in ay roondo ka sameynayeen qeybo ka tirsan degmada Kaaraan si ay amniga u sugaan, balse ay ku argagexeen labadan wiil ee iska socday isgoyska Sanca, kadibna ay xabado la dheceen.
Maaha markii ugu horeysay ee ciidamadan dhar cagaarta ah ay toogasho ku dilaan dad aan waxba galabsan oo iyagu wadooyinka iska maraya.
SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss | Tagged: Mogadishu Somalia |