Advertisements

Barlamaanka Midowga Yurub oo ku baaqay in loo diro gudi soo baara Xasuuqii ka dhacay Magaalada Muqdisho.

EU Parlament

EU-Parlament

 Halkaan ka akhri

Bruxelles ( Somaliswiss ) 27.11.2007

Warbixin ay soo saartay Baarlamanka Midowga Yurub ayaa loogu dhawaaqay in si deg deg ah loo sameeyo guddi Caalami ah ee soo baara danbiyadi daagalka iyo xasuuqii ka dhacay dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, isla markaasna la soo taago Maxkamad, dhinacyadii ka danbeeyay falkaas foosha xun ee lagula kacay dadka aan waxba galabsan.

Golaha Fulinta ee Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa sheegay in guddigaasi uu soo qiimeyn doono inta uu la egyahay gumaadka isla markaana ay sheegayan dhinacyada qeybta weyn ku lahaa iyo kooxihii fuliyay.

Waxaa sidoo kale lagu baaqay in la sameeyo Maxkamad la soo taago dhamaan dadka ku lugta lahaa xasuuqyadii ka dhacay magaalada Muqdisho iyadoona la raacayo qawaaniinta Caalamiga ah.

Baarlamaanka Yurub waxaa uu sidoo kale ku baaqay in Somaliya laga joojiyo fara galinta Milatari isla markaana xalkeeda uu ku jiro in Soomaalida la wada hadalsiiyo miiska wadahadalkana la isugu keeno dhamaan qaybaha diidan Siyaasadda dowladda KMG ah.

Hadalka kasoo yeeray Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa kusoo beegmaya xili gumaadkii ugu xooganaa dhawaan ay ka geysteen magaalada Muqdisho Cidamada gumeysiga Ethiopia iyo kuwa la shaqeeya ee dawladda KMG ah.

SomaliSwiss Wakiilka Bruxelles

somaliswiss@hotmail.com 

Advertisements
%d bloggers like this: