Walaalnimo kaama Rabo Wayaanoow Maliin Wacan, Wadanka Somaali Baa leh Wayaanoow Maalin Wacan, Karaamaanu leenahay, Dad Geesiya Baanu nahay.

Waxan dhashay anoo xor ah Waxan dhiman anoo xor ah

Soomaaliyeey

 

 

 

 

 

Waa Tubacyo Jacbur ah:-

-Walaalnimo kaama Rabo Wayaanoow Maliin Wacan.

-Wadanka Somaali Baa leh Wayaanoow Maalin Wacan.

-Kaaraamaanu leenahay, Dad Geesiyo Baanu nahay Wayaanoow Maalin Wacan.

-Colaadii waa Jirtii, Dalkii baad weliba Maqan, Warmaha Waa Sidanayaa-Wayaanoow Maalin Wacan.

-Gargaarkaa Waa Xumaan, Aqoontaa waa Gumaad. Wayaanoow Maalin Wacan.

-Xanuun Soo Dhoofisaa, Gaajada Aabaha u Tahay. Wayaanoow Maalin Wacan.

-Gumeeysigii Bariga Tahay, Calaamad Madoowna tahay. Wayaanoow Maalin Wacan.

-Ilaawe Abaalka tahay, Wanaagii Xumaan ku gudde.

-Walaalnimo kaama Rabo Wayaanoow Maalin Wacan.

-Riyadii Been Noqotayoow, Qorshihii Ceel buu ku Dhaqacay.

-Qabyaalad Adeegsigii, Qabqablle u Gar-gaaridii Jab iyo

Halaag, Dhulkoo lagu Jiido Hoooooooooo. Wayaanoow Maalin Wacan.

-Dalkeeyga Difaacanaa, Gumeeysiga Gooracaa-Hubkooda ka

Qaadanaa-Bakhtigoodana Gubaa-Wayaanaha Ceeyrinaa.

-Walaalnimo Kaama Rabo Wayaanoow Walaalin Wacan.

-Xisaabtuna Markaas Gumeeysiga Xulufadii, Wayaanaha

Walaalihii Rajiimka Curyaansanoow, Gumeeysiga Doortayoow.

-Dadkooda Xasuuqayoow, Xuquuqdii Lumiyayoow/ Xurmada

Garanwaayoow/Hogaanka Qabyaaladoow/ Qas iyo Muran

Aabihiis/ Qabuuraha Badiyayoow/ Dadkii kala qoonayoow/

Qaxootiga badiyayoow/ Badaha ku Xasuuqayoow/

Bulshada Bara-kiciyoow/ Kaalamdii kala Qeybsatoow/

Guryaha weyn Iibsadoow/ Kuwii Ceebta Huwadoow/

 Xumaantu Xaragadda  u Tahay/ Xishoodkii ka Haajiroow/

Dalkii waad Biiciseen oo Dadkiina Dulaa Badeen/

 Dembiilayaal Qaran Yahay/Weleee Dembiilayaal Qaran Yihiin.

-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-

-Englnad-UK-26/11/2007-

SomaliSwiss@hotmail.com

 

%d bloggers like this: