Baasaboorka Cusub
 Halkaan ka akhri
Soomaaliland:- Cidii ku timaada Baasaboor aan kii hore ee Soomaaliga cagaarka aheyn, halkii uu kayimid ayaanu ku celin doonaa.
War saxaafadeed maanta laga soo saaray wasaarada gaadiidka cirka ee Somaliland ayaa lagu sheegay in garoomada diyaaradaha iyo dekedaha Somaliland aan looga dhoofi karin baasaboorada cusub ee ay soo sameysatay dhawaan dawladda KMG Embgati.
Maamulka Somaliland ayaa waxa uu sheegay inay ogolyihiin baasaboorkii hore ee Somalia, laakiin cidii ku timaada baasaboorka cusub ee been abuurka ah in ay ku celin doonaan halkii uu ka yimid.
War saxaafadeedka ayaa sidoo kale waxaa loogu digay shirkadaha diyaaradaha in aanay soo qaadin dadka ku safraya baasaboorada cusub ee been abuurka ah ee ay soo saartay dalwadda KMG ah.
War saxaafadeedkan ayaa ka danbeeyay dhawaan markii dawladda KMG ah ay soo saartay go’aano ah in dadka Soomaalida ee dhoofaya oo dhan ay isticmaalaan baasaboorka cusub oo keliya.
Garoonka Hargeisa ayaa waxa bari ka baxaya 300 oo qof oo Somali ah oo soo gudanaya waajibaadka xajka, kuwaasi oo ku safraya baasaboorka cagaarka ah ee dawladii hore ee Somalia.
Sidoo kale Dowladaha carabta ayaa si cad u diiday baasaboorkan been abuurka ah ee ay soo sameeysatay Dowladda KMG ah ee u adeegta Gumeysiga Ethiopia.
Filed under: SomaliSwiss | Tagged: Somalia, Somaliland |
You must be logged in to post a comment.