Dagaal qaraar oo lagu dilay 8 Askari oo Ethiopian ah oo Maanta ilaa Caawa ka socdo Tuulada Bacda oo ku dhaw degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan.

 Heesta Maanta Midab Gumeysi Diida Dila

Ethiopian troops

Dagaal Matabaan

 Halkaan ka akhri

Dagaal qaraar oo lagu dilay 8 Askari oo Ethiopian ah oo Maanta ilaa Caawa ka socdo Tuulada Bacda oo ku dhaw degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan.

Dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa maanta duhurki ilaa iyo caawa kasoconaya deegaanada Bacda iyo Matabaan oo 42-km dhinaca waqooyi ka xigta magaalada Balad-weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dagaalkan oo ah mid aad u qaraar ayaa u dhexeeya Ciidamada gumeysiga Ethiopiaa iyo xoogag hubaysan oo Taageersan Isbaheysiga dib U xoraynta Soomaaliya ayaa waxaa la sheegayaa dagaalkaasi in ay ku geeriyoodeen ku dhowaad 8 Askari oo ka tirsan Ciidamada gumeysiga Ethiopia.

Waxaa la xaqiijiyay in baabuur ay wateen Ciidamada gumeysiga Ethiopia wadada loo galay gadibna Sabanno iyo Rasaas lala dhacay, iyadoo la xaqiijiyay in 2 baabuur halkaasi looga gubay.

Dagaalkan ayaa la sheegay in ay ugu dhinteen Askar gaareysa illaa 8 iyaoo lasheegayo in ay kabadan yihiin dhimashada Askarta intaasi, waayo labada gaari ee laga gubay ayaa ahaa kuwa aad u baaxay, ayna saarnaayeen Ciidamada gumeysiga Ethiopia.

Waxaa si aad ah lamaqlaya dhawaqa Madaafiicda iyo hoobiyaal la isu adeegsanayo ayaa laga maqalayaa deegaanada Matabaan iyo Guri-ceel, Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in Maydad badan oo Ciidamada gumeysiga Ethiopia ah ay yaaleen wadada isku xirta matabaan iyo Guri-ceel.

Sidoo kale Caawa Maqribkii qoraxda markii ay dhacday kadib ayaa la sheegay in la maqlayay Madaafiic iyo Rasaasta ka dhaceysay dhulka kaymaha ah.

Lama xaqiijin karo khasaaraha habta ah ee kasoo gaaray Ciidamada gumeysiga Ethiopia.

Warar kale ayaa iyana sidoo kale sheegaya in Ciidamada gumeysiga oo dhaawacyadoodii iyo meydadkoodii wada misna mar labaad wadada loo galay bur bur xooganna loo geystay.

Maaha markii ugu horeysay ee wadada loo gala ciidamada gumeysiga Ethiopia.

SomaliSwiss Hiiraan

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: