Xassan C/llaahi Sh.:- Waxaan si buuxda u taageereynaa Talooyinka Ururka Midowga Qorba jooga Soomaaliyeed.

Ururada Midowga Qurba jooga

Ururada Qurba Jooga

 Halkaan ka akhri

Dhaq-dhaqaaqa Somaliyeed Nabada, Midnimada iyo Cadaalada Codka iyo Damiirka nool ee Bulshadda Wadaniyiinta ah halkan Taageero buuxda ugu soo gubinaayaan Ururka Midoowga Qurba Jooga Somaaliyeed oo dhawoon kulan ku yeeshay  Minneapolis ee Dalka Mareeykanka, laguna wacyi gelinaayeey Jaaliyada weyn oo Dalkaas ku dhaqan.

    Dhaq-dhaaqa Somaaliyeed wuxuu u arkaa kulankaas mid qiimo weyn lahaa, talooyin dhaxal gal ahna ka soo baxeen kana qeyb- galeen Shakhsiyaad magac iyo maqaam weyn ku leh Qoomiyada iyo Dalka Somaaliyeedba-Gaar ahaan Halyeey-Odey C/Risaaq X. Xuseen Siyaasiga Qarnigga iyo Xubno Sare oo ka Tirsan Ururka Dip u Xoreeynta Somaliyeed-Sida Zekeriya Maxamed Gudoomiye ku Xigeenka Labaad ee Ururka.

 

   Dhaq-dhaqaaqu wuxuu si buuxda u taageeraayaa una soo Dhoweeynaayaa Go’aamadda ama Talooyinka wax ku oolka ah oo Kulankaas ka soo baxay, loona baahan yahay in Bulshadu ku Dadaasho hirgelintooda ama xataa ku dhaqmida qeybo ka mid ah Talooyinkaas dhaawac weyn gaarsiin karaan Gumeeysiga iyo Dhaqaalihiisa ka soo gala Dhanka Somaaliya, Waxaanu Dadka ku adkeeynaaynaa garashada ahamiyada Tallooyinkaas.

  Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey ku boorinaayaan Dadka Qurba jooga ah iyo Ururada Bulshada u adeega in eey Dadaalka laban laabaan, gartaan isla markaana gutaan Masuuliyada weyn oo ka saaran Dalkooda iyo Dadkoodaba, gaar ahaan xiligan oo Heeryada Gumeeysiga culeeyskeedu sii weynaanaayo, Dhibkiina Ummada wada gaareey, waxaanu ku boorineeynaa dagaalka iyo Halganka dhanka Dhaqaalaha ah in Wayaanaha lagu qaado, lana Curyaamiyo kheeyraadka ka soo gal Dalkeena iyo Dhakhliga eey

Dadkeenu Dalkaas geliyaan oo aad u badan.

 

   Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey halkan Amaan, Bogaadin iyo Hambalyo dhammaan ka soo qeyb galayaasha Kulankaas iyo Halyeeyadii Khudbadaha halkaas ka Jeediyeey sida ku haboona u qeexay Xanuunka iyo dhibaatada Gumeeysigu leeyahay iyo ahamiyada loo celinta Xoriyadii qaaliga aheyd-Fadlan hoos ka Daalaco Tallooyinka Kulankaas ka soo baxay:-

Kulankii Ururka Midowga Qurba Joogga Soomaaliyeed:-Talooyinkii ka soo baxay.

  • Diyaaradaha Ethiopian Airlines Waa in aan qof Soomaali ah raacin…
  • Xawaaladaha Soomaaliyeed waa in aysan wax lacag ah gey Addis Aababa, Xawaaladii geysanaya waa in Soomaalidu Qaadacdo oo aan lacag lagu xawilan…
  • Qofkii Viso ehelkiisa ugu diri lahaa Addis Ababa ha ugu diro Jabuuti oo ay ku yaalaan Safaaraha Adduunka oo dhan…
  • Qof Soomaali ah waa in uusan iibsan Canjeelo Xabashiga (Canjeero Itoobiyaan)
  • Qof Soomaali ah waa in uusan iibsan Qaadka ka Yimaada Itoobiya
  • Qofkii Itobiyaan taageera waa in laga dhigo Gun oo aan laga guursan, lana takooro, laguna qoro buugga madow…
  • Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-

    -Afhayeenka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed

    Nabadda,Midnimadda Iyo Cadaaladda-

    -England-UK-25/11/2007-

    SomaliSwiss@hotmail.com

    %d bloggers like this: