Meles Zenawe oo baarlamankiisa u sheegay inaan wax dhibaata ah ka dhicin Soomaaliya, iyo Tevisionka Eritea oo Beeniyey warbixin dheerna kasoo saaray.

Amin149

Video Eritrean TV

 Halkaan ka akhri

Meles Zenawe oo baarlamankiisa u sheegay inaan wax dhibaata ah ka dhicin Soomaaliya, iyo Tevisionka Eritea oo Beeniyey warbixin dheerna kasoo saaray.

Eritrean Televition

Hoggaamiya Tigreega ee ku amar ku taagleeya dalka Itoobiya Meles Zenawi ayaa barlamaanka Itoobiya asbuucii la soo dhaafay ka jeediyey qudbad uu ka hadlayo xaalada Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, wuxuuna baarlamaanka Itoobiya u sheegay in Soomaaliya ay nabad ku soo dabaaleen ciidamada Itoobiya, wax dhiba oo ka jirana aysan jirin hadda Muqdisho, waa sida uu hadalka uu u dhigaye.

Meles Zenawi ayaa barlamaanka Itoobiya ka hor cadeeyey inay san jirin wax askara oo looga diley magaalada Muqdisho, asagoo weliba sheegay in cidii haysa wax cadayna in ciidamo Itoobiyaana lagu diley Muqdisho ay soo bandhigaan.

Haddaba shacabka Itoobiya oo aan la socon wax ka jira Soomaaliya iyo xasuuqa ay u geysteen ciidamada Itoobiya shacabka reer Muqdisho, sababtoo ah ma jirto idaacad ama war-geys madax banaan oo ka hadli kara xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta magaalada Muqisho.

Haddaba tevisionka dalka Eriterea ayaa soo baddhigay xasuuqa ay ciidamada Itoobiya ka geysteen magaalada Muqdisho, iyo weliba maleeshiyaadka faraha badan ee tigreega ee lagu laayey dagaalladii ka dhacay Muqdisho, barnaamidkaasi oo ku baxay Afka Amxaariga si shacabka reer Itoobiya u fahmaan.

Baraamijka laga soo daayey Tviiga Ereteriya, oo laga daawaday guudahaan dalka Itoobiya, ayaa waxaa ka dhashay muran weyn oo u dhexeeya xildhibaanada baarlamaankii uu beenta u sheegay maalmu kahor Males Zenawi iyo weliba dadweynaha reer Itoobiya oo arrintaasi dareen weyn ka muujiyey.

Waxaadna ka daawan kartaa barnaamijka xaqiiqada ah ee ka turjumaya xaalada dhabta ah ee ka jirta magaalada Muqdisho ee loogu magic daray “STOP Zenawi’s GENOCIDE in SOMALIA”.

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: