Mas’uul ka tirsan Shirkadaha Duulimaadka Muqdisho oo ka muujiyey rajo xumo xaaladda gudashada Waajibaadka Xajka ee Sanadkan.

xajka.jpg

Halkaan ka akhri

Muqdisho (SomaliSwiss) 25.11.2007

Shirkadaha isgaarsiinta duulimaadka ee Muqdisho ayaa sheegay in iyagu aaney damaanad qaadi karin dokumenti ku meel gaar ah (Laasha basaare) oo Laanta Socdaalka ee dowladda federaalka Soomaaliya ay ugu talo gashay dadka uu ka soo daahay baasaboorka cusub iney ku tagaan dalka sacuudiga si ay uga qeyb galaan muyuusimka xajka ee sanadkan ka dib markii mas’uuliyiinta dowladda federaalku ay diideen in lagu doofo baasooboorkii hore ee Soomaaliga ahaa.

Mas’uul ka tirsan shirkadda duulimaadka ee Daallo ayaa sheegay in kulankii shalay ka dhacay garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho ee dhexmaray iyaga iyo mas’uuliyiinta Laanta socdaalka ee nabad sugida Qaranka ay iskula afgarteen in isticmaalka dokumentigaas oo uu sheegay in iyagu ka shirkad ahaan ay si weyn uga shakisan yihiin dhaqanka Baasaboorka loo yaqaano (lacia passare).

xajka1.jpg

Mas’uulkaas wuxuu tilmaamay in mas’uuliyiinta laanta socdaalku ay sheegeen in dowladdu sacuudigu ay ogolaatay dukomentigaas ka dib markii ay u direen wafdi ka socda wasaarada arimaha dibeda oo sidaa darteedna ay iyagu qaadi doonaan mas’uulna ka yihiin wixii dib u dhac iyo cabaqabada ah ee uu xujaajta sanadkan ku keeno dokumentigaas.

“Waxaan u sheegeynaa dadweynaha Soomaaliyeed haddii aan nahay shirkadihii duulimaadka ee sanadkan anagu waxaan qaabilsanahay in wixii tas’hiilaad ah ee ku aadan dhoofkooda sida inaan tikit u jarno oo aan geyno dalka sacuudiga, hase ahaatee wixii caqabad ah ee ka horyimaada in viiso lagu soo dhejiyo dokumentigan cusub waxaa qaadaya dowladda federaalka anagu mas’uul kama noqoneyno mana lana weydiinayo” ayuu yiri  Mas’uulkaas oo rajo  xumo ka muujiyey xaalada cakiran ee ka taagan sidii ay waajibaadka xajka u soo gudan lahaayeen kumanaanka Soomaalida ah.

SomaliSwiss Wakiilka Muqdisho

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: