Maya Gumeeysi Maya” Maya Xasuuqidda Ummadda Somaaliyeed Maya” Maya Rajiimka Gumeeysiga u adeega Maya” Maya Qabsashada Dalkeena Hooyo Maya” Maya Heeryada Gumeeysiga.


Faallo

  Halkaan ka akhri

Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda,Midnimadda iyo

Cadaaladda waxeey halkan ku Cambaareeynaayaan Xaaladda Fool xumadeeda leh, gef Qaran iyo ayaan darada weyn oo eey ku Dabaal degaayaan Caasimadii Qarankeena Muqdisho, kuwa Cadoowga ah, Gumeeysiga duulimaadka cad ku saa qaaday kuna Heeysta Dalkeena Hooyo-Wayaanaha Tigreega Ciidankiisa.

 

Hadii anan dhulkaygoow 

 

   Dhaqa-dhaqaaqa Somaliyeed wuxuu u cadeeynaayaa Ummada Somaaliyeed Xalaasha ah, Wadaniyiin damiirka, Dareenka Nool leh iyo Inta Qiiradda Wadaniyadeed ku harsan tahay in arrintu tahay ku digasho iyo jees-jeesiyada Muwaadinka Somaaliyeed  oo Maalin walba la xasuuqaayo, Haweenka la fara-xumeeynaayo iyo boobka burburinta Hantida Dadweynaha, Guul sheegasho iyo Xaalad farxadeeda oo Gumeeysiga Foosha xun iyo Raxanta ku hoos nool heeryadooda(Dowlad ku sheega beenta ah).

 

 

Dhaq-dhaqaaqu halkan uga Gudbinaayaa Ummadda Somaaliyeed Fiiriin Wadaniyadeed ku Saleeysan Diidmadda Gumeeysigga iyo heeryadiisa, Difaacidda Dalkeena Hooyo, Karaamadeena Ummadeed, Xurmada Diinteena

iyo Jiritaanka Somaliyeedba, waxaanu ku boorineeynaa Xaq eey u leeyihiin hanashada Dowlad Cadaalad iyo sinaan leh xor ah oo Madax banaanideeda leh, Hogaan Daacad ah u taagan fulinta Rabitaanka Ummadiisa, kana madax banaan qorshaha Shisheeye iyo Dhaqanka gacan ku dhiigle-nimadda, Difaacida Dalkeena waa Waajib Diineed, Qarameed iyo Akhlaadeed oo saaran Muwaadin Walba, Welee Wayaanoow kuma ledaan Dalka Somaliya-Walee.

 

Aan Maalno Maandeeq.     

 

   Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu halkan Risaalad cad ugu Soo gudbinaayaa Hogaanka Dalka Itoobiya iyo Rajiimka Dalkiisa Khaayimay in eey ka waantoobaan Xasuuqa Ummada, Ciidanka Wayaanuhuna sida ugu dhakhsaha badan Dalkeena uga baxaan, Beesha Caalamkuna Masuuliyadooda akhlaaqeed gartaan, xilka Somaaliya ka saarana Gutaan, laguna dadaalo abuurida hanaan Cadaaladeed(Maxkamadda Dembiilayaasha Somaaliyeed)la soo Saaro dhammaan Gacan ku dhiiglayaasha, Qabqablayaasha iyo kuwa Gacmahooda Dhiiga Shacabka ku qubanaayaan.

 

 

 Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu yirri:-Maya Gumeeysi Maya Maya Xasuuqidda Ummadda Somaaliyeed Maya, Maya Rajiimka Gumeeysiga u adeega Maya, Maya Qabsashada Dalkeena Hooyo Maya, Maya Heeryada Gumeeysiga Maya, Maya Hogaan Gacan ku Dhiiglaha Maya, Maya Raiisal Wasaare ku Sheega been ah Maya.

 

Maya Baarlamaanka Fadhiid ah Maya, Maya Fara gelin Shisheeye Maya, Walee Maya,Maya iyo Maya (Somaaliya Somaali baa leh).

 

-Qorr-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-

-Afhayeenka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed

Nabadda,Midnimadda Iyo Cadaaladda-

-England-UK-24/11/2007-

 

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: