Club Suisse de la presse
Halkaan ka akhri
Arbacadii shalay oo ay taariikhdu ahayd 21 bisha Novembar 2007, waxaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland lagu qabtay is-aragyo tixane ah oo looga hadlay xaaladaha culus ee ka dhashay imaatinkii iyo joogitaanka daba-dheeraaday ee Ciidamada dowladda Ethiopia dalka Soomaaliya.
Waxaa soo gaaray dalkan Switzerland magaaladiisa Geneva, wafdi ka kooban saddex aqoonyahan oo ka kala ah Moxamud Cabdullahi jamac “Sifir”, Zakariya X. Cabdi- Guddoomiye Xigeenka Ururka Xoreynta iyo dib-u-soo-Noolenta Soomaaliya, iyo Cabdi Daahir oo xubin ka ah Ururada jaaliyadda Soomaaliya ee dalka Canada.
Aqoonyahaniinta iyo madaxda waxaa marti qaaday hay’ad ka howlgasha dhinaca daraasaanka Bulshada oo magaceeda la yiraahdo CORDOUE degaankeduna yahay dalkan Switzerland magaaladiisa Geneva.
Imatinka iyo martiqaadka ayay ahayd ujeedada ka dambeesay in Khubaradaas ay ka warbixiyaan dhibaada baahsan ee ka dhalatay soo gelitaankii iyo gaboon falkii ay dhashay soo gelitaankii dalka Soomaliya ee Ciidamada dowladda Ethiopia.
Maalintaas ayaa waxay ahayd maalin buuxda oo la qabtay is aragyo saddex ah oo xiriir ah.
Kowdii hore ayay Aqoonyahaniintu qabteen War-saxaafeed lagu marti qaaday kana soo qayb galeen saxaafadda gudaha dalkan iyo tan dibedda.
Waxaa yimid wariyayaasha saxaafadda, gaar ahaan kuwa daneeya arimaha Soomaaliya.
Warbixin tifaftiran oo ay soo bandhigeen aqoonyahaniinta ayay si dhameystiran ugu qeexeen xaladaha ba’an ee ka dhashay imaatinkii dalka Soomaliya ee Ciidamada Dowladda Ethiopia.
Waxay si cad u tilmaameen dhimashada, dhaawacyada, barakicinta, baabi’inta hantida dadweynaha ee ay Ciidamadaasi u geysteen shacabka rayadka ah.
Waxay qoraal iyo muuqaalba ku soo bandhigeen falalka qalafsan ee ay ku kaceen Ciidamada Dowladda Ethiopia, Waxay tilmaameen in Imaatinka Ciidamaas ay sharci darro tahay marka loo eego Xerarka caalamiga ah iyo weliba kuwa u gaarka dalka Soomaaliya sida “Chartark” ku meel gaarka ah ee Soomaaliya.
Kaddib waxaa loo gudbay su’aalihii ay gabeen wariyayaasha Saxaafadda, waxana Aqoonyahanada la wezdiyey Su’aalo dhawr ah oo waxa ka mid ahaa:
Dowrka faragelinta Dibadda ay ku leedahay xaladaha dagaal ee mudada dheer ka socda dalka Soomaaliya, xalkana loo la’yahay Waxay tilmeen faragelinta joogtada noqotay ee Dowladda Ethiopia, taas oo u dilaacday markii dambe in Ethiopia ay qabsato dalka Soomaaliya, iyada oo qiil ka dhigatay in ay Xukuumadda ku Meel Gaarka ah ee Soomaaliya ay u yeeraty.
Mar la weydiiyay maxaa ka jira sheegashadaas ayay Aqoonyahniinta tilmaameen: in aysan jirin sharci laga go’aamiyay hay’adaha sharciga ah ee dalka Soomaaliya oo arrinkaas ogolaaday.
Waxay Shegeen labo mar oo Baarlamaanka Soomaaliya uu ka dooday arrinka soo gelitaanka ciidamada Shisheeye ee dalka Soomaaliaya, ay xildhibanadu diideen in ay dalka soo galaan Ciidamo ka socda dalalka Soomaaliya deriska la ah oo ay Ethiopia k midka tahay.
Su’aal kale oo xiiso lahayd ayaa ahayd in “Xasuuq” lagu tilmaami karo arrimaha ay Ciidamada Dowladda Ethiopia ay u Geysanayaan Shacabka Soomaaliyeed.
Su’aashaas oo ay fikarado ka dhiibteen Aqoonyahaniintii marti qaadka ku yimid iyo Khubara kalaba ayaa noqotay “haa” waa lagu tilmaami karaa, mar haddii ay Ciidamada Dowladda Ethiopia ay bar-tilmaameedsadeen qabaaìil ay ku eedeeyeen in siyaasiyan uga soo horjeedaan Dowladda Ethiopia siyaasadeeda ku wajahan dalka Soomaaliya.
Biririf sacad iyo bar ah oo loo qaatay salaadda Duhur iyo qado ayaa la isugu soo noqday in la sii balaariyo ka hadalka xaladaha dhibka iyo xanuunka leh ee ay la timid joojitaanka mudada dheer socda ee Ciimadada Dowladda Ethiopia.
Waxaa markan la qabtay “Warkshop” cinwaankiisu yahay “The Massacring of the Somali Popilation is casual or Intentional” “Xasuuqidda Shacabka Soomaaliyeed ma mid ka ma’ ah baa mise waa ku talagal”
Saddexda aqoon yahan ayaa mowdhuuca u kala qatay sedan:
Maxamuud Jama Sifir wuxuu ka hadlay: Sideebuu ku yimid soo galitaanka Ciidamada Dowladda Ethiopia dalka Soomaaliya. Zakariya X. Cabdi – Wuxuu ka hadlay xal u helidda mushkiladda ay Dowladda Ethiopia ku hayso dadka iyo dalka Soomaaliya; Cabdi Diirshe, ayaa ka hadlay xaaladaha xad-gudubka bani-aadanimo ka dhashay howlgallada ciidan ee Ciidamada Dowladda Ethiopia ay ka fuliyaan dalka Soomaaliya guud ahaantiisa isaga oo si gaar ahna u tilmaamay waxa ka dhacay welina ka socda magaaalo madaxda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.
Waxaa halkaas lagu soo bandhigay macluumaad qoraal iyo muuqaal isugu jira oo dadkii meesha isugu yimid ku abuuray tiiraqanyo ay caro la socoto.
Waxa si gaar loo muujiyay cadadka dadka ku dhintay howl gallada Ciidamada Dowladda Ethiopia, inta ku dhaawacantay, tirade maatida la barakiciyay, iyo gaar xaaladaha nololeed ay ku sugan yihiin dadka la barakiciyay, safarada dhibaatada leh ee ay meelo dhaw iyo dheer u galeen si ay nafsadooda u badbaadiyaan.
Kaddib ayaa dadweynaha oo markan Soomaali u badnaa loo furay wixii su’aal ah ama waadhicin ah.
Sidii markii hore oo kale, lalama gaabsanin su’aalaha iyo rayi cabiridda laga soo jeediyay Workshop-ka”. Aqoonyahaniinta ayaa si cilmiyeysan iyo macluumaad soo bandhigidba uga jawaabay suìaalihii soo soo bandhigay.
Qaybtii labaad markii ay xiran tahay ayaa hay’addii lahayd qaban-qaabad maalintan waxay jaaliyadda Soomaalida u ogolaatay in ay u wada hadlaan Soomali ahaan, ku hadlaan Afka Soomaaliga.
Waxaa la isku af gartay in markan Aqoonyahaniintu ay dhegetstaan afkarta xubnaha Jaaliyadda ee ka soo qayb galay Workshop-ka
Waxaa fikirkooda cabiray in badan oo ka mid ah xubnihii jaaliyadda ee soo xadiray munaasabadda.
Waxaa si aan u kala har lahayn loo haaramay joojitaanka ciidamada Xukuumadda Ethiopia, waxaa la tilmaamay in uu gar yahay la dagaalanka ciidamadaas, waxaa lag codsaday Ururka Xoreynta iyo dib-u-soo nooleynta Soomaaliya in ay la yimaadaan hogaamin tayo oo ku wajahan Istarateejiyadii ay ka soo saareen shirkoodii Casmara; waxaa laga codsaday in ay badiyaan wacyi galinta ummadda Soomaaliyeed, in ay badiyaan kulamada nooca manta oo kale ah, oo ay ku tagayaan dalalka ay ku badanyihiin Soomaalida, iyo arimo kale oo farabadan.
SomaliSwiss wakiilka Geneve
Sawir Qaade Garabey
Filed under: SomaliSwiss | Tagged: Geneva, Switzerland |
You must be logged in to post a comment.