Banaanbax aad u balaaran ay soo abaabuleen Ururada Dhalinyarada & bulshada ee Midowga jaaliyadaha Switzerland oo shalay ka dhacay Magaalada Geneve UN-ka hortiisa.

m1

UN-ka Geneva

 Halkaan ka akhri

Banaanbax aad u balaaran ay soo abaabuleen Ururada Dhalinyarada & bulshada ee Midowga jaaliyadaha Switzerland oo maanta 23.11.07, ka dhacay Magaalada Geneve ee cariga Switzerland.

Daawo Video-ga Mudaaharaadka

Qeybtii 1aad

Qeybtii 2aad Part 2

m77

Mudaharaadkaas oo looga soo horjeeday xasuuqa iyo Barakicinta baaxada leh ee ay Ciidamada Gumeystaha madoow ee xabashada kula kacayaan, dhamaan Ummada Soomaaliyeed si kala har aan lahayn ! qaasatan shacabka Muqdisho.

Dad tiradooda ay kor u dhaaftay ilaa iyo ku dhowaad 500 qof ayaa Jimcadii 23.11.2007 isugu soo baxay United Nations-ka, Geneve, Xarunta Qaramada Midoobey (UN-ka). 

m78

Isku soo baxaan oo loogu magacdaray (Ilintii Somalia) ayaa ahaa mid ula jeedkiisu aheyd mid jaaliyadaha Somaliyeed ee ku dhaqan cariga Switzerland, sida ay uga xun yihiin, kagana ashtakoonayaan caalamka, dhibaatada baaxada leh, Xasuuqa aan loo meel dayan, barakicinta aan taariikhda aadanaha lagu arag, caburinta ay Gumeystaha madoow ee Xabashida ku hayaan Shacab weynaha soomaaliyeed.

m76

Jaaliyadaha Somaliyeed ee Switzerland, oo aad iyo aad ugu careysan aamusnaanta beesha caalamka, qaasatan UN-ka, (Qaramada Midoobay) ayaa sitay Boorar ku qoran halku dhegyo iyo sawiro taariikhdu xusi doonto, muujineysayna falalka arxan darada iyo Halaaga umada Somaliyeed loo geeystay, iyadoo loo adeegsanaayo, calooshood u shaqeystayaal iyo Dowlada fashistaha ah ee Ethiopia.

m72

EREYADA AY KU DHAWAAQAYEEN SHACABKII MUDAAHARAADAYAY AYAA WAXAA KA MID AHAA.- MUQDISHO, DARFURTA CUSUB, EE QARAMADA MIDOOBAY KA SAMEYSATAY GEESKA AFRIKA.

ETHIOPIA HADHACDO, KALIGII TALIYE MELES HA DHOCO, HADHOCO GUMEYSIGA, HADHACAAN DABA DHILIFYADA, BUSH HADHACO,

AAMUSNAANTA CAALAMKA EE XAALADA MURUGADA LEH EE SOOMAALIYA, WAXAY CADEYNEYSAA KA KA RAALI AHAANSHAHA XASUUQA SHACABKA SOOMAALIYEED !

QARAMADA MIDOOBAAY, AANO DARTEED MAAD ETHIOPIAN NOOGU SOO HUBEYSEEN ?

SAAXIIBKA ETHIOPIA WAA CADOWGA JIRITAANKA XAQUUQUL INSAANKA !

ETHIOPIA WAA IN SI DEG DEG AH LOOGA SAARAA SOOMAALIYA etc

m79

Waxaa halkaas ka hadlay, oo kasoo jeediyay qudbado xasaasi ah, Sheikh Cafif. Oo ka socday gudiyada Bern.

Waxaa xigsaday Axmed Dhicisow (Zurich), oo ah caaqiliinta Soomaaliyeed ee dalkana ku dhaqan, waxaa kaloo ka hadashay, goobtaas, Xaliima Sacdiya (geneve) Mustaf Bashiir (Goobdoon Zurich)  Qalimoow, (Zurich) iyadoo uu soo qatimay qudbooyinka Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee Bern (Dr Aadan Ibraahim).

Gudi ka kooban jaaliyadaha gobolada Switzerland ayaa u gudbiyay, xoghaynta Amniga iyo xoghaynta guud ee qaramada midoobay, warqad ay si wada jir ah u soo diyaariyeen, gudiga qabanqaabada iyo Jaaliyadaha Somaliyeey ee Switzerland, taasoo ay hoosta ugu xariiqeen, dacwad ka dhan ah, horjoogayaasha xasuuqa ba’an ee ciidamada gumeysiga xabashada ka wadaan dalka Somaliya iyo, ka kaalmo la i’da shacabka la barakiciyay ee beesha caalamka.

m85

Waxaa kaloo daba socday, iyadoo mar walbaa uu ka soo baxo qof xafiiska qaramada midoobay, in dhalinyaro somalia ah ay gacanta kasaarayeen, warqad muujineysay xaalada murugada iyo nasiibdarada haysata somaliya.

Sharaxaad koobana ka bixineysay, Waxa mudaaharaadka ku saabsan yahay, Iyadoo sidoo kale la wargelinaayay, dad weynaha reer Geneve guud ahaan.

Ma ahan markii ugu horaysay ee Switzerland laga dhigo banaanbaxan oo kale, Waxa uuna daba socdaa, kuwa ka dhaca qaarada Yurub iyo Amerika Jaaliyadahana waxey balan ku qaadeen in ay wadayaan illaa iyo inta uu gumeysiga Ethiopia wadanka uu kabaxayo.

SomaliSwiss Yusuf Garabey

SomaliSwiss@hotmail.com

m1m66m67m68m69m70m71m72m73m75m76m77m78m79m85

%d bloggers like this: