Meydad rag Soomaali ah oo ay dileen ciidamada gumeysiga Ethiopia ayaa laga heley qeybo ka tirsan degmada Huruwaay ee magaalada Muqdisho.

Xasuuq

Xasuuqa Shacabka

 Halkaan ka akhri

Meydad rag Soomaali ah oo ay dileen ciidamada gumeysiga Ethiopia ayaa laga heley qeybo ka tirsan degmada Huluwaay halkaas oo shaley ay ka dhaceen iska hor imaadyo xoogan.

Meydadka ilaa 5 qof oo rayid ah oo qaarkood la gowracay ayaa saaka lagu arkay deegaanka Suuqa Xoolaha, halkaas oo shalay oo dagaalo iyo isku dhacyo ay ku dhexmareen Ciidamada gumeysiga Ethiopia iyo Xoogaga Muqaawamada Soomaaliyeed.

Meydadka ragan qaarkood ayaa la xaqiijiyay in la gowracey, waxana la garan waayey illaa iyo meydadka labu ruux.

Arrimahan ayaa waxa ay ka dambeeyeen kadib marki ay shaley Xaafadda Suuqa Xoolaha ay soo galeen ciidamada gumeysiga Ethiopia, islamarkaana halkaasi dagaal ku xoogan uu ku qabsadey.

Ciidamada gumeysiga Ethiopian ayaa dib ugu laabtey qorax dhicii shaley fariisimadii ay ka soo duuleen markii hore ee Warshaddii hore ee Baastada.

SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: