FAALO DHEER:- “XAFLADII AY QABSADEEN CIIDAMADDA GUMEYSIGA ETHIOPIA EE KU SUGAN GAYIGA SOOMAALIYEED.


GUMEYSIGA MADOW

 Halkaan ka akhri

Shalay waxaa Ex-xaruntii hore ee gaadiidka lagu qabtay xaflad loogu dabaal dagayay laguna xusayay qabsashadda dawlada Itoobiya ee Gayiga Soomaaliyeed, xafladaasi waxaa soo qaban qaabiyay saraakiisha itoobiya uga wakiilka ah arimaha soomaliya , Xubno ka tirsan dawlada federaalka soomaaliyeed iyo maamulka gobolka Banaadir.

Waxaa kaloo xafladaas ka soo qayb galay odayaal si maqaar saar ah looga soo ururiyay beelaha soomaaliyeed kuwasoo loosoo sheegay in ay meesha ka cadeeyaan in ay taageersan yihiin xasuuqa iyo qabsashadda ciidamadda itoobiya ka wadaan gayiga soomaaliyeed. Qaar ka mid ah shaqsiyaadkaas ayaa la sheegay in Generaal gebre u magacaabay ugaasyadda iyo salaadiinta beesha ay ka soo jeedaan.

Xafladaasi ayaa lagu soo waramayaa in looga gol lahaa in lagu muujiyo sida ay ciidamada itoobiya ula wareegeen dhamaanba dalka soomaaliyeed iyo maalinta ciidamada Xooga Dalka soomaaliyeed oo runtii ahayd maqaarsaar, marka aad dhab ahaan fiiriso munaasabadana waxaad ka dheehan kartaa in taliska iyo ciidamadda loo dabaal dagayaa ay yihiin kuwa Itoobiya, waayo maba aysan joogin cuiidamadii xooga dalka Soomaaliyeed.

Waxaase goobta ka soo xaadiray xubno saraakiis dabadhilifyo u ah dawladda itoobiya kuwaasoo lagu amaal mariyay kaalintii ay ku lahaayeen qabsashadii dalka iyo soo hogaamintii ay ku soo hogaamiyeed dalka cadawga qadiimiga ah ee Itoobiya. Halkaasoo lagu gudoonsiiyay abaal marinta qayaanadda qarankooda ee ay sameeyeen.

Si kastaba ha ahaatee waxaa maantay oo kale fagaaraha tarbuunka iyo goob kasta oo dadku isugu yimaado ka dhici jiray dabaal dag xuska maalinta Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, waxayna ciidamadeenu sopo bandhigi jireen dabaabaadka dagaalka iyo awoodooda ciidan, taasoo mar walba naxdin ku ahayd cadawga Itoobiya, laakiin maantay waxaa taas badalkeeda loo dabaal dagay guulihii ay gaareen ciidamada cadawga itoobiya eek u sugan soomaaliya.

Ciidamada bambayda ee xafladda qaranka Soomaaliyeed oo looga bartay in ay maantay oo kale wacdarao muujiyaan ayaan badalkooda waxaa la soo ban dhuigay kuwa cadawga xabashidda, kuwaasoo garaacayay muusiga astaanta calanka Itoobiya, taasoo mar kale shaki galinaysa qaranimadda iyo madaxbanaanidii dalka Soomaaliya.

Kooxdaasi waxaa kaloo wehliyay kuwo qaarka hore qaawan oo iyagana ciyaaro halkaai ku soo bandhigay, taasoo iayana cadayn buuxda u ah in ay besha ka baxday dhawrista nidaamkii islaamiga ahaa ee bulshadda 100% muslimka ah ee Soomaaliyeed. Dhamaan intii ka qayb gashayna shaki galinaynsa islaaminadooda iyo waliba Wadaniyadooda.

Dhinaca kale waxaa naxdin ah in dawladii Soomaaliyeed ee haatan sheegnasay in ay soomaaliya ka taliso aysanba madax deedii sar sare meesha joogin, sida Madaxweyne Cabdilaahi Yusuf , Raysalwasaaraha haatan la Magacaabay, ra’isul baarlamaanka iyo kuwo kaleba.

Madaxdii halkaasi ka hadashay waxaa ka mid wakiilka dawladda Itoobiya uga masuulka ah maamulka gobolka Lixaad (Soomaaliya) Generaal gebre oo sheegay ugu horeyntii sheegay sida uu ugu faraxaan yahay xafladu siday u dhacday, Inkastoo wariyeyaasha loo diiday in ay duubaan dhamaan qudbadii general Gebre hadana wuxuu aad uga hadlay siyaasadda dawladiisa eek u aadan dalka soomaaliya. Wuxuu sheegay in ciidamadiisu gaareen guushii ay ku taamayeen 300 oo sano dawladihii isaga danbeeyay maamuladii dawladda Itoobiya isagoo shaaciyay in ay dhibayso awood ka dhalato geeska afrika mar danbe oo halis galin karta jiritaanka Itoobiya.

Generaalku wuxuu kaloo aad uga hadlay dhaqdhaqaaqyadda ka jira magaaladda dalka ee lagaga soo hor jeedo gumaysiga itoobiya, kuwaasoo uu sheegay in uusan doonayn in uu dib u arko. Ama u maqlo. Waayo wuxuu yiri waxay qal qal galinayaan siyaasadeena ku aadan Soomaliya. Gaar ahaan wuxuu Generaal Gebre soo qaatay Xoogaga kacdoonka ka wadda Muqdisho ee Muqaaqimadda ee ay hor kacayaan Xoogaga Alshabaab, kuwaasoo ay loodin la yihiin ciidamadda cadawga Itoobiya ee qabsaday Soomaaliyeed/

Isku soo wadda duub dabaal dagii shalay ka dhacay Ex-Xaruntii hore ee gaadiidka waxa uu astaan u yahay in ay gacan gashay qaranimadii iyo madax banaanidii dalka iyo dadka soomaaliyeed. Waxayna caro iyo calool xumno guud arintaani u tahay dhamaan wadaniyiinta soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan waxay aad u dhibaysaa kuwa leh dareen wadaniyadeed ee aad uga tiiraanyoonaya dhibaatada ay ciidamadda cadawga ku hayaan dadka iyo dalka soomaaliyeed.

Ugu danbayntii dadka soomaaliyeed ha ogaadeen in ay ay labo qaxooti mid noqon doonaan qaxooti gudaha jooga sida kuwa ku dhibaatoonaya kalinka shanaad ee itoobiya ee la haysto iyo qaxooti dibadaha wareega. Taasoo astaan u ah dad aan dawlad iyo madax banaani toona lahayn sida kuwa Falastiin.

Waxaana xalku yahay oo kaliya in aan iska ilowno kala qayb sanaanta ku salayasan qabiil qabiilka si aan u gaarno midnimo, keenta in aan dib u hanano madax banaanidii iyo qaranimadii Soomaaliyeed. Hubka ugu qatarsan ee cadawga lagula dagaalio waa Midnimo, jaaniska ugu fiican ee cadaw haleena waa kala qayb sanaan bulshadda dhexdeeda ah.

W/Qorey Cabdi Xaashi Aakhiro.

SomaliSwiss@hotmail.com  


Gen. Gabre oo hadiyad siinaya Safiirka Yeman





Safiirka Itoobiya iyo Gen. Gojam

Dhagaxtuur iyo Ina Shaawey

Firimbi iyo Taliyaha ciidanka

%d bloggers like this: