Buubuur ay wateen ciidamada gumeysiga Ethiopia oo uu qarax xoogan qabsaday iyo qasaare ba’an oo soo gaaray askartii saarneyd.

dagaalka muqdisho

Muqadishu

Halkaan ka akhri

Inta la ogyahaya 4 kamida ah Ciidamada gumeysiga Ethiopiaa ayaa ku dhimatay, 7 kalena dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaadhey qaraxyo loo adeegsaday miinada gacanta laga hago oo saakay lala beegsaday kolanyo gaadiid dagaal ah oo ay wateen ciidamada gumeysiga Ethiopia oo marayay xaafadda Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.

Qaaraxyadaan oo aad u xooganaa ayaa gebi ahaanba burburiyey mid kamida gaadiidkii dagaal oo ay saarnaayeen ciidamada gumeysiga Ethiopia, iyadoo gaari kale oo isna noociisu yahay Ural uu burbur ba’ani soo gaarey, waxaana wararku sheegayaan in khasaaraha saakay ka soo gaaray qaraxyadaas ciidamada gumeysiga tigreega uu inta la ogyahay aad uga badan yahay.

Qaraxyadaan oo gaaraya ilaa iyo 2 qarax ayaa si weyn u argagax geliyey ciidamadii cadowga Ethiopia ee goobtaas mararey, waxaana dadka degaanku sheegeen iney arkayeen xubno dad iyo jaqafyo ka faniinay baabuurta burburtay oo hawada ka soo daadanayay markii ay qaraxyadu dhacayeen, iyadoo maleeshiyaadkii masiibadu haleeshay ay ku yalween yabaq iyo qeyladhaan xanuunku ka keenay.

Ciidamada cadowga Ethiopia ayaa intooda badan ah kuwa laga soo qafaaley gobollada ugu faqrisan dalka Ethiopia, iyagoo loo soo sheegay iney tegayaan dal barwaaqo ah oo ay waxa ay doonaan ka heli karaan, balse beddelkeedii ay la kulmeen halaag iyo in maalin walba lagu jiido waddooyinka magaalada Muqdisho.

Ciidamada cadawga Ethiopia iyo kuwa Embagthi ayaa saakay ku soo faafay isgoyada siinaay iyo xariyaale, iyagoo xiray goobaha ganacsiga iyo isu socodka gaadiidka BL-ka ee ka shaqeeya qeybo kamid ah wadada wadnaha oo qaarkood ay saakay marayaan jid caddeyaal qardo-jeex ah.

SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: