Xuseen Caydiid” Wadadii Geeddi ayuu marayaa maqaarsaarkastoo Cabdulahi Yusuf magacaabo”wareysi gaara WC.

Husein Aidid

Hussein Aidid

 Halkaan ka akhri

Xuseen Maxamed Caydiid oo Ra’isulwasaarre ku xigeen ka ahaan jiray dowlada Cabdulahi Yusuf Axmed haatana ka tirsan Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya ayaa ku tilmaamay mid aan wax ku ool ahayn magacaabista Ra’isulwasaare cusub oo uu yiri wuxuu noqon doonaa maqaarsaar cusub oo hoos fadhiya saxiixa Cabdulahi Yusuf. 

“Maqaarsaar kasta ee loogu  magac daro Ra’isulwasaarre wuxuu noqon doonaa mid aan waxba ka bedelin siyaasadda murugsan ee dalka Soomaaliya, waxna kama duwanaan karo midii uu ku hogaamin jiray Cali Maxamed Geeddi oo ugu dambeyntii si fool xumaa looga qaaday xilka”ayuu yiri Injineer Caydiid oo u waramayay Waagacusub isagoo ku sugan magaaladda Dubai. 

“Aniga oo kaliya ma ahan Rayigeyga  dadka Soomaaliyeed iyo mushtamaca Caalamka intooda badan ayaa qaba in la raadinayo Ra’isulwasaarre maqaarsaara, xaaladani waxay ka dhigeysaa in dalka uu yeesho Madaxweyne islamarkaana ah Ra’isulwasaarre iyo xogheyn loogu magacdaro Ra’isulwasaarre.” Caydiid oo sii watay hadalkiisa ,”ma dhici karto in dal lagu hogaamiyo aragti ka timid dal shisheeye mana jirto dowlad sheegan karto inay dal hogaamiso isla markaana ku fadhida cudud shisheeye, sidaa waxaa lagu arkay dalalka Ciraaq iyo Afganistan, Soomaaliyana waa Ciraaqda Geeska Africa oo u hogaaminayo Xisbiga Dalka Itoobiya ka taliya ee EPRDF ”Caydiid oo baryahaan ka gaabsaday Saxaafadda la kulankeeda waxaa uu faahfaahin dheeriya ka bixiyay hanaanka ay ugu jiraan inay dalka ka xoreeyaan waxa uu ugu yeeray gumeeysiga Itoobiya hasse yeeshee wuxuu ka gaabsaday faahfaahin melleteri inuu ka bixiyo qaabka ay u hoowlgalayaan. “Hada idinka warami maayo, qaabka aan dadka Soomaaliyeed u xoreyneyno balse arrintaasi way naga go-an tahay anagoo adeegsaneyna shacbiweynaha.

Munaasabadaan waxaan uga faa-iideysanayaa inaan uga tacsideeyo dadka Soomaaliyeed xaalada ay ku sugan yihiin ,aadna waan uga murugeysanahay,”ayuu Caydiid hadalkiisa ku soo xiray. 

Taageerayaasha Cabdulahi Yusuf ayaa todobaadyadii la soo dhaafay Xuseen Caydiid ku qaaday weeraro barabagaana iyagoo sheegay in lagu xiray Ereteriya halka qaarkoodna ay qoreen inuu khilaaf soo kala dhexgalay Xuseen Caydiid iyo madaxda Isbahaysigga hasse yeeshee warkaas ayaa ka qosliyay dad badan oo ay xilliyadii dambe Xuseen Caydiid wada joogeen Magaaladda Dubai. 

Wariyaal badan oo uu ka mid yahay Tifaftiraha Waagacusub Dahir Abdulle Alasow ayuu Xuseen Maxamed Caydiid casho sharaf ugu sameeyay Magaaladda Dubai,isagoo uga waramay halganka Isbahaysiga dib u xoreynta hiigsanayo ee arrimaha Soomaaliya.

 Cabdulahi Xaaji

Dubai-Emirates

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: