Madaxweyne C/llaahi Yusuf oo ku dhawaaqay in Nuur X. Xuseen uu yahay Ra’isal Wasaaraha cusub ee Dowladda KMG ah.

RW Nuur Xassan

 RW Nuur Cade

 Halkaan ka akhri

 Halkaan ka dhageyso magacaabista RW cusub ee Dowladda KMG ah

Madaxweyne C/llaahi Yusuf oo ku dhawaaqay in Nuur X. Xuseen uu yahay Ra’isal Wasaaraha cusub ee Dowladda KMG ah.

Madaxweynaha Somalia Cabdullaahi Yusuf Axmed ayaa u magacaabay ra’iisul wasaaraha Somalia Nuur Xasan Xuseen oo loo yaqaan Nuur Cadde, kadib markii xilkaasi uu iska casilay ra’iisul wasaarihii hore Cali Maxamed Geeddi.

Nuur Cadde waa nin aad looga yaqaan dalka Somalia oo uu hawlo badan ka soo qabtay, waxaana uu ku dhashay magaalada Muqdisho sanadkii 1938.

Nuur Cadde waxa uu ka tirsanaan jiray ciidanka booliiska Somalia oo uu ka gaaray gaashaanle sare oo uu xilal kala duwan ka soo qabtay dalka.

Waxaa tababaro xagga aqoonta booliiska, gaar ahaan qaanuunka uu kusoo qaatay dalalka Mareykanka iyo Talyaaniga.

Sanadihii ugu danbeeyay laga soo bilaabo 1991 ilaa xilligan waxa uu ahaa xoghayihii guud ee ururka Bisha Cas ee Somalia.

Nuur Cadde ma ahayn nin siyaasadda Somalia si toos ah faraha ugula jiray, xiliyadan dagaalada ka socdeen Somalia iyo ka horba, inkastoo hawlo badan uu ka qabtay Bisha Cas intii dagaalada lagu guda jiray.

Waa nin fiiro badan, oo degan, dadkuna ay ku yaqaanaan xushmo badan, waa nin marka dadku hadlayaan si aad ah u dhegaysta.

Waxaa inta badan dadweynaha Soomaaliyeed u dheg taagayaan waxa uu soo kordhin doono Rai’sal wasaarahan cusub ee Nuur Xassan Xuseen (Nuur Cade) maadaama shacabka soomaaliyeed inta badan xasuuq loo geystay qaarna ay isaga bexeen magaalada muqdisho si ay uga badbaadaan Xasuuqa Ciidamada Ethiopia.

Halkaan ka dhageyso magacaabista RW cusub ee Dowladda KMG ah

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: