Jaaliyadaha Soomaliyeed Halkey kaga jirtaa jaaliyadaha ku nool wadanka Ingiriiska?

Jaaliyadda UK

Jaaliyadaha Ingiriiska 

Halkaan ka akhri

Machadka Baarista Khidadka Dadweynaha (Institute for Public Policy Research) waxa uu soo bandhigay cilmi baaris uu ku sameeyay 25 jaaliyadood oo ku nool wadankaan Ingiriiska.

Cilmi baarista waxa ay ee kuur gashay kaalinta jaaliyaduhani ay ku lee yihiin dhaqaalaha wadankaan. Sanadihii ugu danbeeyay arimaha dadka u soo haajiro wadankaan iyo culeyska ama faa’idada ay u lee yihiin dhaqaalaha wadankaan waxa ay ahaayeen arimo dood badani ka taagan tahay.

Haddaba cilmi baaristani waxa ay sameysay liiska kala horeynta jaaliyadaha ayada oo sal ugu dhigaysa waxtarka ama culeyska dhaqaala ay ku lee yihiin wadankaan. Wadanka Ingiriiska ayay daraasadu u isticmaashay halbeega loo garab dhigo jaaliyadaha.

Cilmi baarista waxa ay ku saleeysneyd macluumada laga soo uruuriyo ilo kala duwan sida Tirokoobka (Census) la aruuriyo 10 sanaba mar, kaas oo midkii ugu danbeeyay la sameeyay 2001 iyo Tirakoobka Xooga Shaqaalaha (Labour Force Survey) oo isna la aruuriyo 3 bilood mar. Haddaba qoraalkeena waxaan ku eegayna waxyaabaha warbixintani ka tiri jaaliyada Soomaliyeed ee ku nool wadankaan Ingiriiska.

Cilmi baaristu waxa ay ku qiyaastay tirada dadka Soomalida ee ku dhaqan wadankaan 82,300 taas oo u dhiganta in ay wadankaan ka yihiin 0.14%. Tiradaas la sheegay 62% waa dumar, halka ragu ka yihiin 38%. Xagga cimriga, 45% waxa ay u dhaxeyaan 25 ilaa 44 sano. 72% waxa ay wadankaan yimaadeen wixii ka danbeeyay 1996.

Xagga shaqada jaaliyada Somaliyeed waxa ay noqotay midda ugu hooseysa. Soomalida waxa ay daraasadu ku qiyaasta 19% in ay shaqeeyaan (employed), 10% in aanay shaqeeyn (unemployed), halka 71% aanay shaqo raadsan (inactive). Toban san ka hor (1995 ilaa 1996) Soomalida waxaa shaqeyn jiray 12%, waxaan shaqeyn jirin 24% waxaan shaqo raadsan jirin 63%. Dadka aan shaqada raadsan waa dadka tusaale ahaan haya ama koriya caruur.

Tani waxa ay daarasudu ku fasirtay dadka Somaliyeed in yihiin dad qaxooti ah oo ka soo cararay dhibaato wadankaan aan ku imaan qaabo shaqo raadis.

Xagga waxbarashada gaar ahaan xiliga ardaydu ka tagaan waxbarashada, waxaa kaalimaha hore galay jaaliyadaha ka socday Fransiiska, Maraykanka iyo Nayjeeriya oo ardayda u dhalatay waxbartaan ilaa iyo 21 sano ka gaaraan.

Ardayda Soomaliyeed, 17.5 sano ayay waxbarashada kaga tagaan. Waxa ay kaalinta 18 wada galeen Ingiriiska, Bakistaan iyo wadamo kale. Inkasta oo caruurta Soomalida isku waqti ka taagan kuwa Ingiriiska, haddana xagga waxbarashada waxaa lagu qiyaasay in ay ka hooseeyaan 22.8% kuwa Ingiriiska.

Xagga mushaaraadka ama inta uu qofku ku shaqeeyo saacadii waxaa kaalinta koowaad galay jaaliyada ka socotay Maraykanka taas oo dhan celcelis ahaan £17.10 saacadii halka Soomalidana ka gashay kaalinta 25, iyaga oo qaata £7.90 saacadii.

Xagga daqliga, waxaa kaalinta kowaad galay jaaliyada Maraykanka oo daqligeedu lagu sheegay £37,250 sanadkii. Soomalida waxa ay galeen kaalinta ugu hooseysa iyaga oo qaata £13,700 sanadkii.

Xagga saacadaha la shaqeeyo, Somalida waxa ay galeen kaalinta 25, iyaga oo shaqeeyo 33 saacad asbuucii halka kaalinta kowaad ay gashay jaaliyada Maraykanka oo shaqeysa 42 saacad asbuucii.

Xagga gadashada iyo lahaanshaha guryaha waxaa kaalinta koowaad galay jaaliyda Hindida, iyaga oo leh 86%. Soomalida waxa ay gashay kaalinta ugu hooseysa xaga la haanshaha guryaha iyaga oo leh 4%.

Xagga dhiibista canshuuraha waxaa kaalinta kowaad galaya jaaliyada Maraykanka iyada oo ay dhiibto £281.60 asbuucii. Soomalida waxa ay galeen kaalinta 24 iyaga oo dhiiba £89.60.

Xagga qaadashada kaalmooyinka ay dowladu siiso dadka daqligooda uu yar yahay isla markaana da’doodu u dhaxeyso 16 ilaa 60 sano. Waxaa kaalinta koowaad gashay jaaliyada Maraykanka oo noqotay jaaliyda ugu yare ee qaadata kaalmada dowlada bixiso.

Waxaa kaalinta ugu hooseysa gashay jaaliyada Soomalida oo noqotay jaaliyada ugu qaadashada badan kaalmada dowlada ama cayrta (means-tested benefit).

Xagga qaadashada kaalmooyin loogu talagalay dadka naafada ah ama jiran. Waxaa ugu dalbasho ama qaadasho yar jaaliyada Boolan (Poland). Jaaliyada Soomaliyeed waxa ay gashay kaalinta 21. Waxaa ugu qaadasho badan jaaliyada Baakistan (Pakistan).

Xagga qaadashada kaalmada caruurta. Waxaa kaalinta kowaad gashay jaaliyada Maraykanka oo ah jaaliyada ugu dalbashada yar.

Waxaa kaalinta ugu hooseysa gashay jaaliyada Somalida oo ah jaaliyada ugu badan xagga dalbashada kaalmada caruurta.

Xagga degista guryaha dowladu kaalmayso. Waxaa kaalinta koowaad gashay jaaliyada Maraykanka oo noqotay mida ugu yare ee degta guryaha dowlada. Waxaa kaalinta ugu hooseysa gashay jaaliyada Soomaliyeed oo 80% degen yihiin guryaha dowlada.

Xagga u shaqeynta hay’adaha dowliga waxaa kaalinta kowaad galay jaaliyada Filibiin (Philippine) halka jaaliyada Soomaliyeedna ay ka galeen kaalinta shanaad. Waxaa kaalinta ugu hooseysa gashay jaaliyada Turkida.

Inkasta oo sawirka ay ka bixisay cilmi baaristu jaalida Soomaliyeed tahay mid aan wanaagsaneyn haddana waxa ay tilmaantay in jaaliyada Soomaliyeed tahay jaaliyad wadanka cusub marka loo garab dhigo jaaliyadaha kale.

Waxay ay xustay in jaaliyadu ka timid wadan daruuftiisu ka duwan tahay jaaliyadaha ka yimid wadamada horumaray sida Maraykanka. Sidoo kale in jaaliyadu tahay jaaliyad ka soo carartay dagaal so keeye oo dadka imaanayo ay u badan yihiin dumar iyo caruur.

Waxaa intaa dheer in dhibaatooyin badan ay halkaan kala kulmaan sida ayaga oo durba helin sharciga iyo aqoon daro xagga luqada.

Inkasta oo su’aali ka taagan tahay qaar ka mid ah waxyaabaha ay soo bandhigtay cilmi baarista sida tirada dadka Soomalida ee ku nool Ingiriiska haddana waxaa cad in jaaliyada ay haysato culeys xagga dhaqaalaha iyo waxbarashada ah. Wax ka qabashada arimahaas waxa ay sugeysaa jaaliyada Soomaliyeed.

Maxamed Mukhtar
London, UK
Email:
Mohamed323@hotmail.com

SomaliSwiss@hotmail.cm

%d bloggers like this: